Suldaanka Guud Ee Beelaha Bahabar Muuse Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Suldaan Samater Suldaan Ibraahim Jaamac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Beelaha Bahabar Muuse Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Suldaan Samater Suldaan Ibraahim Jaamac.
April 16, 2021 - Written by Editor:

Boorama (WJN)-Suldaanka Guud Ee Beelaha Bahabar Muuse Suldaan Abshir Muxumed Ducaale ayaa Ku Maamuusay Casho Sharaf, Suldaankii Guud Ee Loo Caleema-Saarey Beelaha Maxamed Case Suldaan Samater Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo Aaskii Aabihii Kadib Lagu Caleema Saarey Gabiley.

Munaasibadan Casha Sharafta ah oo Ka Qabsoontey Huteelka Saw ee Magaalada Boorame Waxaa kasoo Qeyb galey Salaadiinta Beelaha Maxamed-Case iyo Salaadiinta Gobolka Awdal, Waxgaradka Odoyaasha dhalinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

Waxaana halkaa laga jeediyay, hadalo u badan Duco, Loogu Ducaynayo Suldaankii Geeriyodey Marxuum Suldaan Ibraahim Sidoo kalena, Duco iyo Soo dhaweyn loogu Gudbinayo, Suldaanka Cusub, Waxaana Halkaa ka hadley Salaadiin Tira badan, iyadoo Suldaan Abshir Sheegay, in Munaasibad Balaadhan oo Loo dhan Yahey ay Ku qaban doonaan Caleema saarka Suldaan Samater Suldaan Ibraahim Jaamac Samater.

COMMENTS
LINKS