|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Dhaweeye Oo Shaacisay Tartan Ay u Qabanayso Darawallada Ka Shaqeeya Magaalada Hargeysa!
April 1, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Shirkadda DHAWEEYE ayaa shaacisay inay tartan lagu guulaysanayo baabuur Vitz ah u qabanayaan Darawallada gaadiidka dadweynaha ee ku shaqeeya adeegga Dhaweeye. Tartankan oo ay u furan tahay inay ka qayb-qaataan dhammaan darawallada Adeegga Dhaweeye ku shaqeeya ee magaalada Hargeysa, ayaa soconaya muddo bil ah laga bilaabo 1-da bishan April illaa dhammaadka bisha, waxaana laga dhex xulan doonaa 20 Darawal ee ugu shaqada wanaagsan, kuwaas oo ku tartami doona isla markaana la dhex-dhigi doona Gaadhiga Vitz-ka ah. Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dhaweeye Farax Ayaanle Dayax Weerar, ayaa shaacisay shuruudaha looga baahan tahay darawallada ku shaqeeya adeegga Dhaweeya ee ka qayb-qaadanaya tartankan. Shuruudaha loo baahan yahay Darawllada fursadda u heli doona inay ku guulaystaan baabuurka, ayay ku sheegtay: In Darawalku si joogto ah ugu shaqeeyo adeegga Dhaweeye laba bilaabo 1-da bisha April ilaa 30-ka bisha. In Darawlku ka mid noqdo ama ku soo baxo qiimeyn lagu soo xulan doono 20-ka Darawal ee ugu shaqada badan ama wanaagsan muddadaas 30-ka maalmood ah. Muuqaalka Hoose kaga Bogo Macluumaad la xidhiidha tartanka loo qabanayo Darawallada ku shaqeeya Adeegga Dhaweeye; https://youtu.be/nRBDpakWRbE Related posts:Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Xaflad Soo Dhawayn ah Loogu Sameeyay Seatle Washinton Iyo Weedhi... “Xisbiyada Siyaasada Iyo Xukuumadu Waxa Ay Jabiyeen, Qodobka 9aad Ee Dastuurka Jsl” Maxamed Dhimbiil Xildhibaan Shiine Koodbuur Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Wasiirka Waxbashada, Sheegayna In Ay Golaha U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|