Muwaadinad Cabasho Xoogan Ka Muujisay Shirkada Laydhka Berbera Oo Udiiday In Ay Uxidho Meheradeeda Ganacsi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadinad Cabasho Xoogan Ka Muujisay Shirkada Laydhka Berbera Oo Udiiday In Ay Uxidho Meheradeeda Ganacsi.
April 9, 2021 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Muwaadinada leh Fooqa City Center ee magaalada berbera ayaa cabasho xoogan ka muujisay shirkada laydhka berbera oo u diiday in ay laydhka ugaliso kaasi ooh ore dab ka dhashay laydhku uuu khasaare hantiyeed gaadhsiiyay fooqeeda.

Sidoo kale muwaadinad ganacsato layla ayaa madaxwaynaha Somaliland ka codsatay in uu waxka qabto dhibaatada ay ku hayso shirkada bixisa laydhka berbera oo sobobtay in laydh la,aanta huteelkeedu uu sobobay in dadkii degenaa ka baxo maadaama ay beriberi tahay meel kulul oo aan lagu noolaan Karin koronto la,aan.

Dhanka kale muwaadinad ayaa codsatay in loo ogolaado in ay furto shirkad laydh si ay adeega korontada usiiso bulshada u baahan oo lagu hayo cunaqabatayn dhinaca korontada ah

Madaxda xisbiyada mucaaridka gobolka saaxil iyo bulshada ku dhaqan magaalada berbera ayaa si adag uga hadlay bulshada ku dhaqan magaalada berbera oo xukuumada ugu baaqay in hoos u eegto dhacdhada qabsatay muwaadinad layla.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS