Muwaadin Si Mutadawacnimo Ah Uga Shaqeyn Jirey Dhaq-dhaqaaqyada Diblamaasiyadeed Ee Somaliland Sodon Sano Ku Dhawaad Oo Sheegay In Fursado Badani U Banaan Yihiin Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Si Mutadawacnimo Ah Uga Shaqeyn Jirey Dhaq-dhaqaaqyada Diblamaasiyadeed Ee Somaliland Sodon Sano Ku Dhawaad Oo Sheegay In Fursado Badani U Banaan Yihiin Jsl.
April 18, 2021 - Written by Editor:

Muwaadin Si Mutadawacnimo, ah Uga shaqeynayay Intii Somaliland Jirtey Dhaqdhaqaaqyada Dhinaca Diblamaasiyada iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka oo Wakhtigan Saadaalinaya, In Somaliland Baahi u Qabto in Ay Xididka Ka Saarto Xidhiidhka Midawga Yurub iyo Doorkii Ay Ku Lahayd.

HARGAYSA(W,N)- Aqoonyhan Maxamed Xuseen Qaalib oo Ku Magac dheer (Maxamed dhacsi), Waxa uu Muddo Sodon Sano Ku Dhawaad ah Si Mutadawacnino iyo Wadaniyad ah uga Shaqeeyay Xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada Yurub, Isagoo Ka qeyb Galey Ku Dhawaad Boqol kulan oo Muhiim u ahaa Somaliland iyo Doorka Wadamada Reer Galbeedku ka aaminsan Yihiin taas, oo Sii Xoogaysatey Intii ka Dambeysay Sanadii 2002dii Kadib markii ay Si joogto ah U Hirgaleen ugu Yaraan Sadex Doorashoo ay Ka bilaabmaysay, Bilawgii Doorashadii Golaha Deegaanka ee D/hoose oo Qabsoontay Sanadii 2002dii Bishii Diisambar, iyo Doorashadii Madaxtooyada, oo Qabsoontay Sanadii 2003dii Bishii April, iyo Waliba Doorashadii Golaha Wakiilada oo Qabsoontey, Sanadii 2005tii Taas, oo Sigaar ah usoo jiidatay, Dalalka Midawga Yurub iyo Wadamo badan oo Dawladaha Reer Galbeedka ah Islamarkaana, ay Somaliland Sigaar ah uga Qiimeeyeen Dalal badan oo Qaarada Afrika ah.

Ugu Yaraan ilaa Labataneeyo, Wufuud ah oo ka Kooban diblamaasiyiin, Dhakahaatiir, Saxafiyiin Madaxbanaan, iyo Goobjoogayaal Caalami ah ayuu Keenay Dalka Somaliland, Waxaanu Sheegay in uu Waayo badan ka bartey Kadib markii uu Si qiiro leh u Bilaabay, Mawduucyada baadi doonka Ictiraafka Somaliland Waxyaruun Kadib markii uu Dhamaystey Sanadihii Sagaashamaadkii Jaamacad Kutaal Dalka Germany, halkaas oo uu Qoxooti ku tagay Xiliyadii Burburkii Soomaaliya, Waxaanu Xusey in uu Ka faa,idey Kulanada iyo In uu arinta Somaliland kala Sheekaysto Dublamaasiyiin iyo Siyaasiyiin badan oo dawladaha Midawga Yurub ah ,Nidaamka iyo Hababka Iyo Waliba Baratakoolka Loola Kulmo, iyo Sida loogu Gudbiyo Fariimaha Diblamaasiyada Xambaarsan(Messages).

Maxamed dhacsi, oo Wakhtigan Damac kaga jirey in uu Aqoontiisa uga faa,ideeyo dalka islamarkaana, uu isaga laf Ahaantiisu ka Qeybqaato Doorka Siyaasada iyo Doorashooyinka Ayaa u Tanaasulay in aanu Kila loolamin Kursiga Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Muuse, taas oo uu Markiiba dib uga Noqdey Go,aanka Markii uu ogaadey in Balanqaad hore oo Dhinaca Beesha ahi jirey, Wakhtigana Waxa uu mar labaad Boodhka ka Tumayaa kaalintiisii, hore oo Qeyb ka Noqotay Noloshiisa islamarkaana, kor u Qaadey Aqoontiisa iyo Hamigiisaba.isagoo hoosta ka Xariiqey in Somaliland Wakhtigan Fursado badani uga Banaan Yihiin Xidhiidhka Dalalka Yurub.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS