Musharixiinta Maxamed Cabdilaahi Bookh Iyo Cabdi Cali Oo Kulan la Yeeshay Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharixiinta Maxamed Cabdilaahi Bookh Iyo Cabdi Cali Oo Kulan la Yeeshay Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Magaalada Wajaale.
April 26, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Musharixiinta Isku Sidkan Ee Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi jeex  Maxamed Cabdilaahi Bookh Iyo Cabdi Cali Xirsi Oo Usharaxan Golaha Degmada Gabiley ayaa caawa Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale ee gobolka gabiley Kulan kula qaatay dhalinyarada iyo Waxgaradka Beeshooda oo taageero balaadhan umuujiyay Labadan Musharax Ee ka sharaxan Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani.

Sidoo kale kulan ay musharixiintani la qaateen dhalinyarada Magaalada Wajaale iyo Waxgaradka ayaa daarnaa sidii loo Dardar galin lahaa ololaha doorashada oo fooda inagu soo haysa islamarkaana ay isku xog waraysan lahaayeen,Murasharixiinta Taageerayaashoodu,

Dhanka kale dhalinyaradii iyo waxgaradkii madashan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay labadan musharax oo ay sheegeen in ay la barbar taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah.

Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh ayaa kamid umasharixiinta ugu cad cad gobolka maroodi jeex isagoo safka hore kaga jira kuwa ugu taageerada badan gaar ahaan gobolka gobolka Gabiley oo uu sameeyan wayn ku leeyahay shacabka ku dhaqan oo taageero laxaadle umuujiyay ganacsadaha la duurufta ah ee degan magaalada gabiley oo isagu xogogaal u ah xaalada ay ku sugan yihiin bulshada degan deeganada miyiga oo uu tiro dhowr jeer gaadhsiiyay gurmad iskugu jira biyo,raashin iyo agabka ay ka xidhaan dhaxanta xiliyada qaboobaha,

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS