|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho
April 25, 2021 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa si kulul uga hadlay dagaallada Khasaaraha geystay ee Saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in rabshadaha socdaa ay yihiin wax aan la aqbalin karin, islamarkaana cidii ka dambeysay lagula xisaabtami doono. “Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. Danta guud waxay codsaneynaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hay’adaha ay leeyihiin dhammaan iyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ahna waa lala xisaabtami doono” Inta badan degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Cabdicasiis ayaa waxaa ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo kazoo Horjeeda muddo kororsiga madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday ee farmaajo iyo Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday.
Related posts:Wardoonka Itoobiya Iyo Mudanayaal Katirsan Baarlamaanka Dalkaasi Oo Rumeysan Waayay Labadda Waji Ee... Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Oo Sheegay In Aanay Marnaba Aqbalay Mudo Korodhsi Loo Sameeyo Xukuuma... DAAWO;-Beesha Subeer Awal Oo Deegaanka Arabsiyo Hadhimo Sharafeed Ugu Samaysay Suldaanka Guud Ee Bee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|