|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Maxamed Cali Shire Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
April 26, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 26/04/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Shire oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/04/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga ku wada dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, marxuumka oo ka mid ahaa shantii golaha sare ee dawladdii duntay ee la isku odhan Soomaaliya. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:Xilka Qaadiska Jaamac Shabeel Oo Laga Cabsi Qabo In ay Soo Dedejiso Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxa X... Daawo-Aqoonyahan Cali Sh Maxamed Abdi Oo Fariin Muhiima U Diray Dawlada, Asxaabta Siyaasada, iyo Sha... Daawo Odayaasha Degmada Arabsiyo Oo Turxaan La,aan u Tebiyey Tabashadoodii iyo Jawaabta M/Weyne Siil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|