|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Komishanka Doorashoyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen!
April 24, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Ugu horrayn Guddida doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. Iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay, idamka Alle. Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya. Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadinyey guddida doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan. Ugu danbayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Alle ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan. ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:Prof Cali Khaliif Iyo Axmed I, Samatar Oo Loo Ogolaaday In Ay Dood Kale Ku Qabtaan Boorama Iyo Wakh... Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Qoraal Ay Kaga Hadashay Xaalada Somali... Xoolo Laga Soo Celiyay Dekeda Jabuuti Oo Xukuumada Somaliland Ku Hor Joogsatay Xuduudka Lowyo Cado! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|