|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Xudun Gobolka Sool,Ciidamada Kala Duwan Ku Amray In Talaabo Ka Qaadaan
April 16, 2021 - Written by Editor:BAAQ MADAXWEYNE Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Ceelka Dhabar-dalool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay. Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:Akhri Magacyada Ganacsatada Reer Tog-Wajaale Ee Itoobiya Xayirtay Dhammaanba Hantidii Baananka U Taa... DAAWO: Wasiirka Cusub Ee Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tijnoolojiyada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Sab... "Waxaan Kala Garan Waayey In Madaxweyanaha Ay Xusuustiisa Wax Ka Maqan Yihiin Iyo .." Xil Maxamed Ko... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|