Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Goob Biyo-fadhiisin Ah Oo Ku Taalla Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Goob Biyo-fadhiisin Ah Oo Ku Taalla Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Hargeysa
April 28, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Laba Carruur ah, ayaa ku Geeriyooday Degmada Axmed Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.

Labada Carruurta ah oo Wiilal ahaa, ayaa ku Geeriyooday Goob Biyo-fadhiisin ah oo ay ku dhaceen, sida ay Ciidammada Dab-damiska oo halkaa ka soo saaray u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika.

Labada Carruurta ah ayaa Ciidanka Dab-damisku da’dooda ku qiyaaseen 12 illaa 13 Sano jir.

Dab-damisku wuxuu sheegay in markii ay labada Carruurta ah soo saareen ay ku wareejiyeen Ciidammada Booliska oo baadhaya sida shilkani u dhacay.

Maalmaha Roobku da’ayo ayaa Maamulka Magaaladu waxay Dadka uga digeen Goobaha Biyo-fadhiisinka ah iyo Biyo-mareennada oo khatar keeni kara.

 

 

 

COMMENTS
LINKS