Hargeysa: Ehelada Marxuum U Geeriyooday Xanuunka Covid19 Oo Loo Diiday Meydka Inay Qaataan Ilaa Ay Ka Bixiyaan Lacag Gaadhaysa 400-Dollar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Ehelada Marxuum U Geeriyooday Xanuunka Covid19 Oo Loo Diiday Meydka Inay Qaataan Ilaa Ay Ka Bixiyaan Lacag Gaadhaysa 400-Dollar.
April 1, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa, (W.N)-Waxa isasoo taraya warar sheegaya in dadka u geeriyooda Cudurka Coronaha ee ay Dawladdu aasto ee magaaladda Hargeysa in ajuura looga qaado lacag u dhexaysa 400 dollar illaa 700 Dollarka Maraykanka ah, arintaasi oo culays ku ah dadka ehelka ah ee murugadu ku habsatay ee marka horeba iska tiiraanyaysnaa.

Waxa uu Wargeyska Foore halkan idiinku soo gudbinaynaa mid ka mid ah eheladda marxuum Hargeysa ugu geeriyooday Cudurka CoronVirus-ka oo ka waramaya dhacdo layaableh iyo meydka waalidkoodii oo loo diiday illaa ay ka bixiyaan lacag 400 dollar ah, waxa kale oo uu ka sheekaynayaa murugo kale oo ah in meydkaasi laga haystay wakhti aan ka yarayn 24-saacadood, isagoo sheegay inay markii hore la yaabeen lacagtii markii dambena ay u waayeen lacagta oo ay wakhti badan ku qaadatay inay lacagtaasi ku bixiyaan.

Waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan joognaa Xabaashii Axmed Cilmi oo Alle ha unaxariistee dhintay, kaasi oo aanu kasoo qaadnay Cisbitaalka Kaarantiimadda Cudurka Corona-Viruska, Ama Cisbitaalka laga furay Goobta loo yaqaan “Dab-La taagay” ee la yidhaa “Out Patient Hospital” ee magaaladda Hargeysa, hase ahaatee markii aanu Xalay u tagnay waxay nagu yidhaahdeen waxa uu u  dhintay xannuunkii karoonaha, oo sababta markii horeba loo geeyay waxay ahayd sababtaasi, markii aanu ku nidhi ma qaadan karnaa Meydka waxa nagu yidhaahdeen ma qaadan kartaan, ee mid ayaad samayn kartaan, Xabaal ayaad qodi kartaan, oo waliba Iilkii aan naqaanay aan loo samaynaynayn ee la qabaal jeexayo”.

Waxa kale oo uu yidhi “Imika waa labadii duhurnimo,waxaanu go’ay illaa tobankii habeenimo ee Xalay, Markii aanu isdhi meydka qaata, waxaa lanagu yidhi, waxa loo haystaa lacag, markii aanu nidhi meyd lacag lagu xihdo maanu arag, ma Lacag Cisbitaalku ugu shaqeeyay intii uu noolaaba ee Waa lagu leeyahay?, markaasi ayay nagu yidhaahdeen Mayee, meydka ayaa lagu qaataa $400-dollars ah,  waxaa sidaasi nagu leh shaqaalihii iyo bahdii Caafimaadka, markaa ta xiligaasi soo gaadhsiisay in Meydku illaa Xiligaasi yaalo waxay ahayd lacagtaasi oo aan hore loo bixin, oo aan la haynin”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Markii lacagtii la bixiyay waakuwaa imika keenay, iyaga ayaa dhigay meydka iilka, iyaga ayaana looxii saaray Qabaal  jeexa, Ciidana Dad weynaha ayaa ku rogi doona”.

 

COMMENTS
LINKS