|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddiga Doorashooyinka Oo Cayimay Goobaha Kaadh Qaadashada Ee Maalmaha Loo Kordhiyey Gobolada Maroodi-jeex Iyo Awdal.
April 6, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Guddiga Dooraashooyinka Somaliland, ayaa Toddoba maalmood Oo dheeraad ah ku daray Kaadh-Qaadashada Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer, kaddib markii ay soo gebo-gaboobeen saddex maalmood oo loogu talo-galay kaadh-qaybta saddexda Gobol. Hawl-wadeennada Kaadh-qaybinta ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka sii qayb-gali doona goobo cayiman oo loogu talo-galay in hawsha kaadh-qaybintu ka sii socoto inta u dhaxaysa 04-ta bisha ilaa 10-ka bisha April. Shaxda Hoose kaga bogo Goobaha loo cayimay ee hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doonto gobollada Maroodijeex iyo Awdal. Gobolka Maroodijeex, waxa ay Hawsha Kaadh-qaybintu ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaalla Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale. SHAXDA GOBOLKA MAROODIJEEX; Dhinaca Kale, Gobolka AWDAL waxa ay hawsha kaadh-bixinta diwaangelintu ka sii socon doontaa goobo Cayiman oo ku yaalla Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac. HALKAN HOOSE SHAXDA GOBOLKA AWDAL DHIGA;
Related posts:Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Xarun Caafimaad Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Xuun Shalay Ee Gobolka Gabile... Madaxwaynaha Kenya Oo Weerarkii Hubaysnaa Ee West Gate Ka Dib Ku Dhawaaqay In Uu Dalkiisu Qaadayo We... DAAWO; Wasaarada Arimaha Dibada Jsl Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Inay Xidhantay Safaaradii Soma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|