Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Ergay Cusub Oo Ay Usoo Magacawday Geeska Afrika Iyo Arimaha Uu Ka Shaqayn Doono! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Ergay Cusub Oo Ay Usoo Magacawday Geeska Afrika Iyo Arimaha Uu Ka Shaqayn Doono!
April 24, 2021 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N)-Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay diblomaasi ruug cadaa ah iyo sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray wasaarada arimaha Dibada Jeffrey Feltman inuu noqon doonaa ergayga gaarka ah Ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in magacaabista Feltman ay hoosta ka xariiqayso sida ay uga go’antahay Maamulka Madaxwayne Biden inuu hoggaamiyo dadaal diblomaasiyadeed oo caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinka isku dhafan ee siyaasadeed, amni iyo bini’aadanimo ee Geeska Afrika.

Maamulka Biden ayaa cambaareeyay warbixinnada ku saabsan xasuuqyada ka dhacay gobolka Tigreega ee Itoobiya wuxuuna ku howlan yahay isku dayga lagu xallinayo khilaafaadka gobolka ka socda ee ku saabsan mashruuc biyo-xireen ballaashan.

Feltman wuxuu soo qabtay xilal badan oo sarsare, ugu dambayntiina wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha Arimaha Dibada ee arrimaha bariga laga bilaabo 2009 ilaa markii uu ka fadhiistay wakaaladda 2012.

Wuxuu sidoo kale soo noqday safiirka Mareykanka ee Lubnaan intii u dhaxeysay 2004 iyo 2009.

COMMENTS
LINKS