|
|||||
WAJAALE NEWS
Dagaal Mar Kale Ka Qarxay Somalida Iyo Canfarta, Xili Ay Heshiis Ka Wada Gaadheen Madaxda Laba Qoomiyadood.
April 11, 2021 - Written by Editor:SITI(W,N)- Dagaal ayaa Maanta markale ka bilawday degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti ee dowlad Degaanka Soomaalida, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada dowlad degaanka & Dad Shacab ah oo iskaashanaya iyo Ciidamada Canfarta. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka Maanta ay ku geeriyoodeen 8 ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, welina dagaalka uu ka socdo Galbeedka Gobolka Siti. Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ayaa giilo ka sheegtay dagaalka, waxaana uu sheegay inay maleeshiyaadka Canfarta ka dileen 24 Ruux. Dagaalka maanta ka dhacay Galbeedka Gobolka Siti ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli heshiis nabadeed ay Magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Dowlad degaanka iyo Canfarta. Related posts:Guddomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Hargeysa Ka Furay Kulan Kor Loogu Qaadayo Helitaanka Ade... Muj.Boobe Yuusuf Ducaale Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Ay Xukuuma... Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Jeelka Magaalada Boorama Oo La Iibinayo Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|