|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Musharixiinta Maxamed Cabdilaahi Bookh Iyo Cabdi Cali Oo Kormeer Ay Bulshada Ku Wacyi Galinayaan Qaadashada Kaadhka Ku Tagay Deegaanada Waqooyiga Gabiley.
April 2, 2021 - Written by Editor:“Waxaanu Idiin Wadnaa Labadii Musharax Ee Xulka Ahaa Ee Beesha Xareed Bare Aanu Usoo Xulay”Chief Caaqil Cabdi Biid. GABILEY(W,N)-Wafti Ay hogaaminayaan Musharixiinta golaha Wakiilada gobolka maroodi jeex Maxamed Cabdilaahi bookh iyo musharax golaha deegaanka degmada gabiley Abwaan cabdi cali oo ay weheliyaan cuqaasha iyo waxgaradka ayaa kormeer ku tagay deegaanada waqooyiga gobolka gabiley ee ay ka socoto qaadasha kaadhka cobixinta iyagoo bulshada ku wacyi galiyay in ay qaataan kaadhka Halkaasi oo lagu soo dhaweeyay caleemo qoyan iyo taageerada ay uhayaan labadan musharax.
Waxaa xusid mudan in odayaasha deegaanada ay soo kormeereen ay musharixiinta ugu deeqeen xoolo nool oo gaadhay 50neef oo adhiya kuwaasi oo ay kaga qayb qaateen ololaha ay doorashada ay galayaan.
Sidoo kale cuqaasha korkcayay laba musharax ee goaha wakiilada iyo deegaanka gabilay ayaa bulshada ugubaaqay in ay codkooda siiyaan musharixiinta ay usoo xuleen beeshooda xareed bare.
Dhanka kale waxaa halkaasi bulshada kala hadlay musharax maxamed cabdilaahi bookh iyo cabdi cali oo komishanka ugu baaqay in mudada kaadh qaadasha loo kordhiyo maadama ay dadku ku jiraan duruufo abaareed islamarkaana aanay udoonan Karin gabiley.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|