Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Galabka ka Da,ay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Galabka ka Da,ay Magaalada Hargaysa.
April 30, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa faah faahin ka bixiyay roob xoogan oo galabta ka da,ay magaalada hargaysa kaasi oo keenay in Daada xoogan kazoo rogmadaa dooxa hargaysa oo qaaday gaadiid tiro badan iyo boqolaal guri oo uu khasaare soo gaadhsiiyay.

Sidoo kale badhasaabka ayaa ka warbixiyay dadka iyo gaadiid ay ciidamada dab kadamisku kazoo samato bixiyeen daadankan.

Sidoo kale badhasaabka ayaa shacabka magaalada hargaysa iyo wadayaasha gaadiidka uga digay marida dooxa oo lafilayo in kusoo rogmadaan biyo badan

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS