Alle Ha,Unaxariistee Waxaa Maanta Dalka Hindiya Ku Geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Maal Oo Door Laxaadle Kasoo Qaatay Horumarinta Waxbarashada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle Ha,Unaxariistee Waxaa Maanta Dalka Hindiya Ku Geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Maal Oo Door Laxaadle Kasoo Qaatay Horumarinta Waxbarashada Somaliland.
April 26, 2021 - Written by Editor:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

HARGAYSA(W,N)-Alle Ha,unaxariistee waxaa maanta dalka Hindiya Ku geeriyooday Gudoomiyihii Jaamacada Alpha Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo door laxaadle kazoo qaatay dib udhiskii jamhuuriyada Somaliland islamarkaana xilal kala duwan kazoo qaybtay xukuumadihii soo maray Somaliland oo uu mudo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradaha waxbarashada,beeraha iyo qoyska Iyo Arimaha bulshada isagoo wakhti xaadirkana ahaa Gudoomiyaha jaamacada gaarka loo leeyahay Alpha University

Marxuumka ayaa dhawaan xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Hindiyo oo maanta uu ku geeriyooday.

Hadaba Halkan waxaanu Idiinku soo Gudbin doonaa Taarikh nololeedkiisii Oo kooban.

Allaha Naxariistii jano Haka Waraabiyo Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Waxa uu Kamid ahaa Aqoonyahankii reer Somaliland ee Doorka Weyn ku lahaa dib udhiskii Somaliland gaar ahaan Dhinaca Waxbarashada Somaliland

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa Sanadii 1958kii  ku Dhashey Degmada Arabsiyo, Waxaanu Waxbarashadiisii, Quraanka Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku Qaatay Degmada Arabasiyo Markii uu Dhamaystay Waxbarashadiisii Dugsiga Sare oo uu Ku Qaatay Dugsiga Sare ee Timacade/Qalax Gabiley Waxa uu Galay Jaamacadii Lafoole, oo Ku Qaatay Kuliyada Waxbarashada.

Mudo Dheer ayuu Kusoo jirey Feelka Waxbarashada Allaha Naxariistii jano Hasiiyee Marxuum Cabdiraxmaan Muxumed Maal, oo Maal loo Yaqaanay, Waxa uu Soo qabtey Xilalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, iyo Qoyska Laga soo Bilaabo Sanadii 2003dii Xukuumadaii Madaxweyne Daahir Rayaale ilaa Sanadii 2010kii oo uu Hayay Xilkaasi.

Mudadii intaa ka Dambaysayna Waxa yu Marxuumku jirey, Waxbarashada isagoo Door Weyn ku lahaa Aasaaska iyo Geedi Socodka Jaamacada Alpha Universty, oo Markan U Dambyasay Gudoomiye ka ahaa, Marxuum Maal Waxa uu Kamid ahaa Dadka dhawrsan, ee aan Geesna uga Leexan Noloshiisa intii ugu Badnayd Waxbarashada iyo Tacliinta allaha Naxariistii jano haka Waraabiyo, Maanta ayuu Ku Geeriyooday Dalka Hindiya oo uu Xaalad Caafimaad u joogay indhawaale.

Waxaanu halkan tacsi uga diraynaa guud ahaan shacabka Somaliland qoyskii iyo qaraabadiii uu ka baxay waxaan ilaaha uga baryaynaa in uu samir Iyo Imaan saadiqa kasiiyo

Marxuumka ilaahay Qabriga ha,unuuro fiijanatul Fardowsa

AAMIN AAMIN  YAA ALLAH.

 

COMMENTS
LINKS