|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogaha Qarsoon Iyo Xeelladaha Ku Lamaan Shaqaalaha Maamulaha Kastamka Kalabaydh Uu Ku Maamuusay Shahaadooyinka!
March 2, 2021 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Maamulaha kastamka Kalabaydh ayaa Shahaadooyin Guddoonsiiyay Shan xubnood oo ka mida Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Ee ka hawlgala Kastamka Kalabaydh Iyadoo shaqaalaha ka hawlgala kastamka kalabaydh Ay tiro badan kana kala tirsan yihiin wasaaradaha maaliyada, ganacsiga iyo ciidanka ilaalada cashuuraha taasi oo abuurtay guux ka dhex istaadhna shaqaalaha ka hawlgala kastamka oo cadaalad daro u arkayay qaabka loo xushay shakhsiyaadka uu maamuluhu ku tilmaamay shaqaalihii ugu wanaagsanaa ee kastamka . Xogaha laga helayo cabashooyinka kazoo yeedhaya shaqaalaha ka hawlgala kastamka kalabaydh Ee isa soo taraya ee naga soo yeedhaya shaqaalaha Kastamka Kalabaydh ee Wasaaradda Maaliyadda . Halka xubno ka mida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala kastamka Kalabaydh oo nala soo xidhiidhay, isla markaana ka cudur daartay in Magacyadooda la xuso ay noo xaqiijiyiin in Maamule Cabdikariin Maxamad Guuleed ( Cawaale ) uu si gaara ugu xushay in uu shahaadooyinka ku maamuuso xubnaha sida gaarka ah ugu xidhan ee xogta Musuq-maasuqa og , “isla markaana ka hawl gala Miisaanka qora amma xafiiska Qiimaynta ka howl gala ” iyadoo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howl gala Kastamka Kalabaydh ay ku eedeeyeen in Maamule Cawaale uu shaqaalaha ku sameeyay nidaam isku dul noolaansho ah . Xubnaha shaqaalaha oo cabashadooda sii wada ayaa ku Eedeeyay in Maamule Cawaale uu isku dayayo in uu xirfado aad u sareeya uu ku qariyo Musuq-maasuqa maalin kasta uu ku lunsado dakhli cashuureedka Jaadka Magaalada Gabiley iyo Arabsiyo ilaa deegaanada ku hareeraysan lagu iibiyo . iyadoo shaqaalaha cabanaya ay ku eedeeyeen in Maamulaha Kastamka Kalabaydh iyo gacan yarayaasha uu shahaadooyinka siiyay ay u fududeeyaan in Maamulaha Kastamka Kalabaydh ku Xigeenadiisa iyo gacanyarayaasha Miisaanka qora amma xafiiska qiimaynta ka howlgalaa ee u carbisan musuq-maasuqu ay kala shaqeeyaan tabaha wax lagu lunsado. . Dhanka kale, Maamulaha Kastamka Kalabaydh Cabdikariin Maxamad Guuleed Sooyaan ( Cawaale ) ayaa ah sarkaal hore Hayadda hanti dhowrka qaranku ugu qabteen Musuq-maasuq iyo ku takri fal hanti ummaddeed, isagoo uu ku dhacay xukun xadhig ciqaabeed oo uu ku mutaystay musuq-maasuq sannadkii 2012, waqtigaasi uu ahaa Sarkaal ka howlgala Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Magaalada Barbera. Si kastaba ha ahaatee shahaadooyinka uu bixinayo Maamulaha Kastamka Kalabaydh ( Cawaale ) ayaa umuuqda xirfad sare uu ku qarinayo musuq-maasuqa uu maalin kasta kula kaco dakhli cashuureedka Jaadka.halka aanay mudo dhowr sano ah shaqaynin waaxdii baadhista iyo dabogalka ee wasaarada maaliyadu, taasi oo maamulayaasha kastamada dalka usaamaxday in ay si fudud oo aan gabasho lahayn wax isku daba Mariyaan. LASOCO QORMOOYINKEENA DANBE OO AY KU DUL ISTAAGI DOONO FADEEXADAHA MUSUQ MAASUQ EE HADHEEYAY KASTAMKA KALABAYDH IYO XOGO DHEERAADA OO KU SAABSAN XADHIGII MAAMULAHA WAKHTIGAN EE KASTAMKA KALABAYDH 2012. WAJAALENEWS DESK WAJAALE STAFF. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|