|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradaha Gaadiidka Iyo Maaliyada Oo Kulan Layeeshay Iskaashatooyinka Gaadiidka Iyo Cabashada Gaadiidlayda Ka Shaqayeeya Magaalada Wajaale Oo Lagaga Hadlay!
March 8, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Gaadiidka iyo maaliyada Somaliland ayaa kulan iskugu yeedhay Iskaashatooyinka gaadiidlayda ka hawlgala gudaha dalka kaasi oo ujeedadiisu ahayd ahayd sidii looga wada hadli laha wadashaqaynta wasaarahadan iyo iskaashatooyinka gaadiidka Oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday shirkadaha badqabka gaadiidka ayaa lagu qabtay magaalada hargaysa. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay caqabadaha gaadiidlayda ka haysta cashuur bixinta iyo sidii loogu fududayn lahaa iyadoo loo kuurgalayo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Sidoo kale waxaa kulan ay iskaashatooyinka gaadiidlaydu kusoo bandhigeen cabashooyinka ay katirsanayaan xukuumada iyo kuwo lagu soo duulay shaqadii ay ka xoogsanayeen oo shirka ka jeediyay cabashada ay qabaan iyadoo sigaarka ay masuuliyiinka wasaarada gaadiidka iyo maaliyadu uga hadleen cabasho ay soo bandhigeen gaadiidlayda magaalo ganacsiyeedka wajaale ka xoogsado oo mudooyinkii udanbeeyay warbaahinta marinayay cabasho ay ka qabaan shirkado ajaanib ah oo doonaya in ay la wareegaan khudaarta iyo alaabooyinka kale ee ay kazoo qaadaan magaalo xuduudeedka wajaale. Dhanka kale Agaasimaha wasaarada maaliyada iyo agaasimaha wasarada gaadiidka iyo jidadka ayaa iyagu sharaxay ujeedada ay uqabteen shirkan iyagoo hoosta ka xariiqay in xukuumad ahaan ay hoos ugeeyaan cabashada kazoo yeedhay iskaashatooyinka ka hawlgala magaalada wajaale iyo kuwo kale ee dalka oo iyaga laftoodu ka hadlay caqabado badan oo ka haysta adeegyada ay xukuumadu bixiso sida warqada wado marista iyo liisanka wadayaasha gaadiidka oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan iyagoo bixiyay cashuurtii ku waajibtay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Suxufi Maxamed Axmed Sagax oo Ka Hadley Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xildhibanada Labada Gole,... Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulamo La Qaatay Waxgaradka Iyo Haldoork... Xuutiyiinta Oo Lagu Eedeeyay lXuutiyiinta oo lagu eedeeyay leexsashada cunno gargaar In Ay Leexsadee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|