Suldaanka Beesha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Halista Xanuunka Covid19, Kuna Baaqay In Loo Gurmado Dadka Abaaruhu Saameeyeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaanka Beesha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Halista Xanuunka Covid19, Kuna Baaqay In Loo Gurmado Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
March 31, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay xanuunka Covid-19, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay taxadir iyo feejignaan badan sameeyaan, si aanu u fidin oo loo xakameeyo.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qadarka ILLAAHAY ayay wax kastaaba ku dhacaan, cid kasta oo ku qoran inay xanuunkan Covid-19 u dhimato way ku dhimanaysaa, ee maadaama oo aynu nahay ummad muslim ah, mar kasta waxaa inagu waajib ah inaynu aamino inay wax kastaaba ku dhacayaan qadarka ILLAAHAY, ee dadkii inagaga dhintay xanuunkan iyo dadkeena kale ee siyaabaha kaleba u dhinta waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto, dadkeena xanuunsanaya inuu xanuunka ka dulqaado, ee xanuunka Koronaha waxaynu iskaga xakamayn karaa iyadoo aad loo taxadiro, oo aynu ka taxadirino siduu ku faafayo, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu xanuunkan inaga dulqaado”.

Mar wuu ka hadlayey bisha Ramadaan wuxuu yidhi “Bishii khayrka iyo fadliga badnayd ee Ramadaan ayaa foodda ina soo saartay ee ILLAAHAY ha ina gaadhsiiyo, oo caafimaad qab iyo khayr ha inagu gaadhsiiyo”.

Dhanka kale, wuxuu Suldaan Xasan ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

 

COMMENTS
LINKS