|
|||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirrada Jsl Oo Lagaga Hadlay Xaaladaha Abaaraha, Covid19 Iyo Qodobo Kale.
March 18, 2021 - Written by Editor:Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland. Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:-
Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19. Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto. Wasiirku waxa uu xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000 oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha. Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay). Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey. Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:Golaha Wakiiladda Oo Maanta Meel Mariyey Xeer Hoosaad Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Awooda Shir-guddoonka... Daawo: Madaxweynaha Cusub Ee Iiraan Hassan Rohani Oo Booqashadiisi Ugu Horaysay Ku Tagay Dalka Cumaa... Madaxweynaha Jsl Oo Soo Kormeeray Qaar kamid ah Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Ee Ay Diiwaangelint... COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||||
|