Shirkada Dp World Ee Berbera Oo Gaadhey Hadaf Kale Oo Lagu Horumarinaayo Dekadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Dp World Ee Berbera Oo Gaadhey Hadaf Kale Oo Lagu Horumarinaayo Dekadda.
March 16, 2021 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Shirkadda DP World, oo ah xarun badeedka Geeska Africa ayaa maanta soo dhawaysay imaanshaha saddex wiish oo cusub oo ah nooca loo yaqaano (STS-ama Gantry or Quay crane ) kuwaas oo qayb ka ah mashruuca balaadhinta iyo horumarinta Dekedda Berbera.

Saddexdan Wiish Waxa Dekedda Berbera soo gaadhsiiyay markabka Zhen-Hua 29, Waxaana si nabad-gelyo ah loogu soo raray qorshe bilow ah oo ay fuliyeen maamulka dekedda Berbera iyo Ingineeradeedu.

Wiishashkan oo dhererkoodu yahay 51 mitir (from spreader to ground level), midkasta oo ka mid wiishashkani wuxu leeyahay awood dhan 65 tan (under spreader) , Waxa kale oo intaas usii dheer inuu u gaadhi karo 24 Saf oo balaca ah , waxaana uu awood dheeraad u leeyahay inuu u shaqeeyo maraakiibta xamaala koonteerada ee ugu waawayn uguna casrisan adduunka.

Kaas oo sare u qaadaya heerka dhaqaale ee dhoofinta iyo soo dejintaba. Wiishashkan sadexda ah waxa ay daba socdaan Sideed ka mid ah QALABKA KOONTEENARADA QAADA dekedda dhexdeeda oo la keenay bishii koowaad ee Sanadkan 2021.

Shirkadda DP World oo ah mid lagu kalsoon yahay macaasmiisheeduna u fulisa keenidda maraakiib kala duwan waxaana ka mid ah, Maraakiibta Badeecadaha Sida, Maraakiibta Sida Raashinka ama qalabka furfuran, Maraaakiibta Soo Waariadda Gawaadhida, Maraakiibta Xoolaha iyo Maraakiibta u gaarka ah koonteerada.

Suhail Albanna, Madaxa iyo Maamulaha Bariga dhexe iyo Africa “Keenidda qalabkan cusub waxa ay ka mid tahay hadaf kale oo ay gaadhay shirkadda DP World, kaas oo ka mid ah mashruuca Horumarinta iyo Balaadhinta Dekedda Berbera, Wiishashkan cusub iyo qalabkii ee aan hore ugu rakibnay dekeduba waxay kor u qaadi doonaan habsami u socodka dekedda Berbera waxaanay ka dhigi doonaan Deked Casri ah haysata qalabkii ugu danbeeyay oo la mid ah dekedaha caalamka, Sii xoojinta Dekeda waxa uu kor u qaadayaa Adeegyada looga baahan yahay Geeska Africa oo dhan.

Shirkadda DP World waxa ka go’an in ay ku maalgeliso Afar Boqol Afartan iyo Laba MilyaN oo doolar (US$442 million) laguna balaadhiyo dekedda Berbera, Marka ay Dhamaato waxa la awoodi doonaa in lagaga shaqeeyo xadi koonteenaro ah oo dhan 500,000 koontiinar sanad kasta.

SAXAFI CABDIRAXMAAN

COMMENTS
LINKS