Shil Gaadhi Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley Oo Sobobay Dhimashada Laba Qof Oo Yemeniyiin Ah Iyo Dhaawaca Laba Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley Oo Sobobay Dhimashada Laba Qof Oo Yemeniyiin Ah Iyo Dhaawaca Laba Kale.
March 5, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Shil Gaadhi galabta ka dhacay duleedka bari ee Magaalada gabiley ayaa sobobay dhimasha laba ruux iyo Dhaawaca laba kale kuwaasi oo dhamaan ah dad ajaanib ah.

Labada ruux ee Ku geeriyooday shilkan ayaa ah ajaanib u dhashay Dalka Yemen, halka labada kale ee dhaawaca ahna ay yihiin Suuriyaan, iyadoo mid ka mida xaaladiisu culus tahay.

Afartan qof oo laba kamid ah ku geeriyoodeen shilkan gaadhi ayaa ahaa ajaanib ka shaqaynayay dhisme kaalin shidaal oo laga dhisayo magaalada gabiley iyagoo uu la dhacay baabuur yar oo nooca tukhaanka ah oo ay wateen kadib markii uu la dhacay sobobayna geerida labada qof ee udhashay yemen iyo dhaawaca laba qof oo udhashay dalka suuriya.

Ciidamada dabdamis ee magaalada gabiley ayaa iyagu gurmad ka galay shil halkaasi oo ay kazoo daad gureeyeen dhaawacii iyo dadkii ku dhintayba

Majiro wax war ah oo ay ciidamada nabadgalyada wadooyinku kazoo saareen Sababta dhalisay shilkan waxaa baadhis ku wada ciidamada Booliska gaar ahaan ciidanka Taraafikada.

Dhanka kale wararka aanu ka helayno shilkan ayaa sheegay in labadii qof ee dhaawaca ahaa loola soo cararay dhanka magaalada Hargeysa, iyadoo hadda  halkaasi lagu dabiibayo.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS