“Musharax Cabdikariim Waxaan Ugu Baaqay In Uu Canbaareeyo Xadhiga Shucayb, Oo Uu Cadeeyo Mawqifkiisa” Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Musharax Cabdikariim Waxaan Ugu Baaqay In Uu Canbaareeyo Xadhiga Shucayb, Oo Uu Cadeeyo Mawqifkiisa” Xamse Khayre.
March 28, 2021 - Written by Editor:

“Eng Cabdikariim Waxaan Leeyahay Maanta Matihid Macalin, Ee Fagaarihii Siyaasada Ayaad Timid Mawqifkaaga Siyaasadeed Oo Cad Ee Xadhiga Musharax Shucayb Ayaa Lagaa Rabaa”Aqoonyahan Xamse Khayre.

HARGAYSA(W,N)-Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo Kamid Masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa kahadlay saldhiga Dhexe oo ay ku booqdeen musharax shucayb maxamed muuse Oo ku xidhan islamarkaana ay xkuumadu sharci daro ku xidhay Ka dhan ah hankiisa musharaxnimo

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan kahyre ayaa sheegay in Xaaladiisa caafimaadk fiican tahayislamarkaana uu ku xidhan yahay meel wanaagsan ciidanku ay ku la dhaqmeen sifiican

Sidoo kale aqoonhana xamse khayre ayaa canbaareeyay xadhiga musharax shucayb isagoo xukuumadu ugu baaqay in ay la timaado tartan nadiif ah oo ay ku gasho doorasha si deg deg ah ay xoriyadiisa ugu soo celiso musharax shucayb

Dhanka kale Aqoonyahan Xamse khayre ayaa ugu baaqay musharax Eng Cabdikariim oo ka sharaxan  xisbiga kulmiye ismarkaana ay shucayb isku beel yihiin isagoo usoo jeediyay in uu canbaareeyo xadhiga musharax shucayb islamarkaana uu bulshada ucadeeyo mawqifka uu tagaan yahay xadhiga musharaxan Shucayb Maxamed Muuse  oo ay isku jufada hoose yihiin tartan culusina uu ka dhaxeeyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS