Milicsiga Madaxwayne Biixi Iyo Sidii Uu Uga Soo Horjeeday Xadhiga Siyaasiga Ah Iyo ficilada Maanta Ay Xukuumadiisu Ku Kacayso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga Madaxwayne Biixi Iyo Sidii Uu Uga Soo Horjeeday Xadhiga Siyaasiga Ah Iyo ficilada Maanta Ay Xukuumadiisu Ku Kacayso!
March 29, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka kor intii aanu xilka Madaxweynenimada dalka qaban waxa uu ahaa mid si weyn uga soo horjeeda in Siyaasiyiinta la xidho, waxaanu sheegay marar uu war-baahinta kula hadlay xarunta Xsibiga KULMIYE  in Xadhiga siyaasiga ahi aanu colaad iyo xumaan mooyee wanaag keeni,haseyeeshee xaalku wuu is baddelay markii uu xilka qabtay,waxaanay Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Xabsiga siyaabo kale duwan u dhigtay saddex-dii sanno ee ay tallada dalka haysay siyaasiyiin baddan oo ka tirsan Xisbiyadda Mucaaradka,kuwaas oo qaarkood ay xilal waa weyn ka hayaan Xisbiyadda.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa noqotay Xukuumadda ugu xadhiga baddan dhanka siyaasiyiinta,waxaanay xabsiga dhigtay Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka kale tirsan Xisbiyadda Muacaaradka ah iyo Musharraxiin, kuwaas oo ay kamid ahayeen Xoghayaha WADDANI Khadar Xuseen Cabdi Afhayeenka Xisbigaa Barkhad Batuun iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha e Xisbiga UCID Ramaax iyo Xoghayihii Beeraha Xisbiga UCID oo isagu hadda Xabsiga ku jirra iyo weliba laba Musharrax oo ka sharraxnaan Xisbiga UCID oo kale ahaa Musharax Golaha Wakiillada Raage Axmed Yusuf_Siciid iyo Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon),kuwaas oo loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera bishii labaad ee sannadkan 2021-,balse laga soo daayey xabsigaa muddo kadib, iyadoo ay sidaas lagaga reebay tartankoodii Musharraxnimo.

Geesta kalena Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn uga guban jirray ugana damqan jiray xadhiga siyaasiyiin xilal ka haya hadda Xukuumaddiisa ay kula kacday Dowladdii Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamin jiray, waxaanu ugu baaqi jiray in laga waantoobo xadhiga siyaasiyiinta oo ku tilmaamay inuu yahay mid colaad iyo nac iyo xumaan laga dhexlo waxaana kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-“Dadka dhibaatadaa loo geystay ee la xidh-xidhay ,waxa aanu leenahay waa Khalad  waa in gefkaa la saxaa oo dadkaa xuquuqdoodii loo soo celiyaa,tusaale ahaan sidiisaba Xadhiga siyaasiga ahi  Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga  Cabdilaahi Abokor, Xadhiga la xidhay waa xidhiga siyaasi ah,waxaynu ognahay xadhiga siyaasiga ahi colaad  iyo nac iyo  Xumaan mooyee, wanaag ma keenno ,waxaanu leenahay waa qalade ha laga noqdo.”Ayaa kamid ahaa haddaladiisii.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Biixi oo Dowladdii ka horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo si addag ugu canaan jiray ugana soo horjeesan jiray xadhiga siyaasiga ah, ayaa hadda tallaabooyinkii uu ka biyo diidi jiray isagii ku kacay, taas oo shacabka ku abuurtay wallaac iyo fejeciso ay la yaaban yihiin siday wax u dhacayaan iyo mawqifkii shalay ee Madaxweynuhu uu ka taagnaa arrimahan, waxaanay Dowladda uu hoggaamiyaa Madaxweyne Biixi ay xabsiga siyaabo kale duwan u dhigtay siyaasiyiin, iyadoo haddana uu xabsiga ku jiro Wasiirkii hore ee warshada Somaliland Shucayb Maxamed Muuse,kaas oo hadda ka tirsan Xisbiga UCID,isla markaana ahaa musharrax,waxaana xadhigiisu uu la xidhiidhaa arrimo siyaasadeed

COMMENTS
LINKS