|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Saaka La Horkeenay Musharax Shucayb Maxamed Muuse Iyo Rumaan 7Cisho Ah Oo Loo Diray.
March 27, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa Saaka la horkeenay musharax shucayb maxamed muuse oo habeenii khamiistii ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen. Iyadoo aad loo adkeeyay Amaanka maxkamada islamarkaana musharax ay sideen ciidamo tiro badan oo aad moodaysa jawiga maxkamada in la horkeenay cid argagixiso ah ama qof danbi culus ka galay qaranka Maxkamada gobolka maroodi ayaa 7 cisho oo rumaan ah u dirtay Musharax Shucayb Maxamed Muuse taasi oo ay ka dalbadeen haayadaha baadhista oo aan wali keeni eeda loo haysto musharax shucayb iyo cida dhibanaha ka ah Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah musharixiinta xisbiga ucid ayaa maalintii seddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa Xukuumadda Somaliland iyo laamaha ayaa mudooyinkii udanbeeyay caadaystay xadhiga musharixiinta ka sharaxan xisbiyada mucaaridka gaar ahaan xisbiga kuwaasi oo dhamaan musharixiinta la xidhay oo shucayb udanbeeyay dhamaan ay kazoo jeedaa beesha sacad muuse iyadoo talaabooyinka lagu ugaadhsanayo musharixiinta hanka leh ay bulshada reer Somaliland ku noqotay fajaciso kuwaasi oo walaac ka muujiyay doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca maadama xukuumadii kulmiye iyadoon doorasho la gaadhi ay si toos ah u ugaadhsanayso musharixiinta ay u arkaan in ay saamanayaa kuwo ay soo xusheen xisbi ahaan Sikasta oo ay tahay xukuumada iyo laamaha amnigu ayaan wali ka hadlin xadhiga Shucayb Maxamed Muuse. Related posts:DAAWO; Sheekh Aadansiiro Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Lixda Goobood Ee Waqooyiga Hargaysa, iyo Weed... Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Mudo Kordhinta Doorashooyinka Somaliland Iyo Fariinta Ay Udiree... Waftigii Safiirada Ahaa ee Ka Socoday Midowga Yurub Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saaray Booqashadii Ay So... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|