|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Geele Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Jabuuti
March 25, 2021 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga. Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal. Related posts:Wasiir Kuxigeenka Arimaha Didaba Jsl Oo La Kulmay Safiirka Shiinaha Ufadhiya Somaliya Iyo Xogaha Lag... Kooxda Sagal Jet Wajaale Oo Markii Shanaad Ku Guulaysatay Koobka Ramadaanta Ee Magaalada Wajaale + S... Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Waxgarad Iyo Dhalinyaro Kasoo Jeeda Degma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|