Madaxweynaha Eritrea Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Lama Filaan Ku Tagay Dalka Koonfurta Suudaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Eritrea Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Lama Filaan Ku Tagay Dalka Koonfurta Suudaan.
March 7, 2021 - Written by Editor:

Jubba(W,N)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka dalka Koonfurta Suudaan.

Warar ka duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan.

Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar,  Cabdifataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya Tallada dalkaasi, Jeneral Cabdifataax Al-burhaani iyo Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk.

Madaxweynaha Masar CabdiFataax Al-sisi  ayaa waxaa uu sheegay inuu ammaanka Suudaan qeyb ka yahay ammaanka Masar, isagoo hadalkaas ka sheegay jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya tallada dalka Sudan, ku qabteen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum.

 

COMMENTS
LINKS