Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Cali Mahdi Oo Ku Geeriyooday Caasimada Dalka Kenya Ee Nariobi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya Cali Mahdi Oo Ku Geeriyooday Caasimada Dalka Kenya Ee Nariobi.
March 10, 2021 - Written by Editor:

NARIOBI(W,N)-Alle Ha Unaxariistee Waxaa Caawa magaalada nariobi Ee dalka kenya Ku geeriyooday madaxwaynihii hore ee Somaliya cali mahdi Maxamed oo ahaa madaxwaynihii Uhoreeyey ee somaliya yeelato burburkii taliskii siyaad bare ka dib.

Marxuum Cali Mahdi ayaa wararka laga helayaa geeridiisa ay sheegeen in uu maalmihii udanbeeyay xanuun ujiifay cisbitaalka Uu ku geeriyooday ee magaalada nariobi.

Madaxwaynihii hore ee somaliya Marxuum Cali Mahdi oo kamid ahaa siyaasiyiinta rugcadaaga ah ee somaliya ayaa Mudooyinkii udanbeeyay seeska udhigay shirar iyo talo ay iskugu yimaadeen beelaha hawiye gaar beelaha mudulood kaasi ay kaga arinsadeen isku xidhnaanta beelaha hawiye iyo sidii ay talo midaysan uyeelan lahaayeen.

Marxuum Cali Mahdi Oo taariikh dheer ku leh somaliya ayaa lagu xasuusan doonaa arimihii odoynimada ahaa ee uu ka shaqeeyay mudooyinkan danbe oo keenay in beelaha Hawiye  siyaasiyiintoodu isku duubnaadaan islamarkaana ay wakhti xaadirkan siyaasad jihaysan ku waajahaan xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee farmaajo kuwaasi oo meesha ka saaray kala qaybsanaantii looga bertay siyaasiyiinta beelaha hawiye.

Alle ha unaxariisto marxuumka Waxaanu ka tacsiyadaynaynaa  guud ahaan shacabka somaliyeed iyo qoyskiisii Iyo qaraabadii uu kabaxay In ILaahay samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana janatul fardowsa ugu deeqo

Aamin Aamin

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS