|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Xaqiijiyay In Laga Helay Covid19 Iyo Xaaladiisa Caafimaad!
March 15, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha kuxigeenka jamhuuriyada somalland cabdiraxmaan saylici ayaa xaqiijiyay in laa helay xanuunka safmarka ah ee covid19. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan qoyska madaxweyne ku-xigeenka iyo ilaaladiisa gaarka laga helay COVID 19. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada waxa uu ku yidhi “waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah. Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta oo xil wayn iska saartay caafimaadkayaga. Alla Mahad Leh.” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|