|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Xukuumadiisa+ Tirada Xilalka Banaan Ee Ubaahan In La Buuxiyo!
March 10, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W.N)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaandhayn ku samaynayo Xukuumaddiisa. Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay arrintaasi, laakiin ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhaynayo Xukuumaddiisa isla-markaana uu ku soo darayo Wejiyo cusub. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ku soo darayo Weji cusub, kuwaasi oo qaarkood buuxin doonaan Jagooyin ay banneeyeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahaa, balse Toddobaadkii hore isku casilay inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021. Waxa la sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale eryi doono qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaarkood u beddeli doono Wasaarado kale, halka uu Wasiirro cusubna soo Magacaabi doono. Xilligan, waxa bannaan Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii wasaaraddaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada, waxa kale oo bannaan Afhayeenka Madaxweynaha, ka dib markii uu iscasilay Afhayeenkii hore Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo Xilal dhowr ahi ka bannaan yihiin Hay’adda Waddooyinka Qaranka, ka dib markii Masuuliyiinta Hay’addaasi badankoodu isku Casileen. WAJAALENEWS DESK XIGASHO;WARGAYSKA GEESKA
Related posts:“Reer Gabiley Waxaan Leeyahay Maanta Ayay Gobolnimadu Ugu Dhow Dahay Ee Madaxwaynuhu Ha Sexeexo”Siya... Qatar Iyo Al-Shabaab Oo Si Wada Jir ah Loogu Eedeeyay In Ka Wada Shaqeeyeen Qarax Ka Dhan Ahaa Imaar... DAAWO; Wasiir Xaglo Toosiye oo si Qoto Dheer U Sharaxay Dhacdadii Lagu Dilay Ganacsade Marxuum Cab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|