|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
March 18, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 18/03/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 18/03/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dhinaca waxbarashada, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo ka mid noqday xildhibaanadii 1993-2005 ee golaha wakiilada, wakhtiyadii danbena ka mid ahaa siyaasiyiinta muhiimka ah ee dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Dalka Ku Soo Dhaweysay Haweenayda Ganacsatada Caanka ah e... Musharax Cabdilaahi Aar Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqday Musharixiinta Xisbiga Wadani Uga Tartami Doona... Maayarka Caasimada Iyo Masuuliyiin Xukuumada Katirsan Oo Booqday Deegaanka Aw Barkhadle Iyo Arimaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|