Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Daahfuray Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadeed Ee Dawlada Hoose. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Daahfuray Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadeed Ee Dawlada Hoose.
March 1, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Xarunta Dowlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa manta lagu qabtay xaflad lagu daah furayay Nidaamka Maareynta Maaliyadeed ee Dowlada hoose ee Degmada Gabiley.

Waxaana kazoo qaygalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Siciid Axmed Jibriil. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Mudane Mohamed Abdi Gurhan,  Agaasimaha Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha ,Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Gudoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmada Gabiley Mudane Maxamed-Amiin Cumar Cabdi iyo xubno kale oo katirsan Maamulka Dawlada Hoose ee Deg Gabiley.

Sidoo kale waxay Daah furka  tababarka ku saabsan qaab xisaabeedka cusub ee IFMIS. Tobabarkan ayaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudahu ay u qabatay  qaarka mid ah shaqaalaha Dawalada hoose ee Degmada Gabiley iyo wasaarada Arimaha Gudaha Sharaxaad ka bixiyay muhiimada uuu uheeyahay qaranka  Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin cumar.

Dhanka kale agaasimayaasha arimaha gudaha, maaliyada ayaa ka hadlay muhiimada uu tababarkan uleeyahay shaqaalaha

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS