|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Ma Caaqilo Ayaanu Dooranaynaa,Mise Xildhibaanada Goleyaasha Wakiilada Iyo Deegaanka?W/Q; Omar Yuusuf.
March 19, 2021 - Written by Editor:Dhawaan Waxaa loo dareeri doona doorashada Golaha Wakiilada iyo Deganka, haddaba su’aashu waxay tahay, Maxaynu dooranaynaa? Ma Caqilo, Mise xildhibanada Goleyaasha Wakiilada/Deganka? Musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Degaanka ee doorashadan ka qayb galaya waxaa soo xulay oday-dhaqameedo, waxaana u-codaynaya beelahooda. Sida daradeed, waxaa meesha ka baxday xusbiyada qaranka. Waxay ahayd in xusbiyada qaranku la yimadan ma’baadi siyaasadee oy dalka ku maamulan/ku maamuli doonan. Nasiibdaro, ma jirto waxa fikir siyaasadeed ooy ku kala duwan yihiin saddexda xusbi. Taasina waxay keentay in musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Deganku wax ay ku kala duwan yihiin aanay jirin. Oday-dhaqameedada soo xulaya musharaxiita badankoodu ma ah dad fahansanay hawsha xildhibada golaha Wakiilada iyo Deganku qabtan. Waxay ku soo xushan oo kaliya siday shaqo ugu abuuri lahaayeen qof, iyaguna uga heli lahaayeen dhadhan. Hore ayaan uga digay in Oday-dhaqameeda soo xulin musharaxiinta dalka hogaamin doona. Nasiibdaro, cid jalaq umay siin. Maalmahani, waxaan maqlaynay xusbiyada oo gudbinayaan liisaska musharaxiinta sharaxayan. Lakiin, maqluub ayay u shaqaynayaan, oo halkii ay ku dhaman lahayd ayay ka bilaabeen. Waxa ahayd in ay marka hore iyagu soo xushan musharaxiinta. Haddii, Beelaha laga maarmi waayo, waxa ahayd in ay xusbi kasta sameeyo gudi Beeleedyo xusbiga tageersan oo soo xula mushaxiinta Beeshooda. Haddii, Xusbiyadu sidan yeeli lahaayeen, xusbiyada ayaa awood lahaan lahaa, ee Beeluhu may lahaadeen. Jaha wareerka Xisbiyada iyo qabyalada, iyo waliba awooda siyaasadeed oo Oday-dhaqameeda iyo Beelaha lagu wareejiyay waxay meesha ka sartay DANTA-QARANKA. Haddaba, dadka Somaliland waa in ay fahman waxay DANTA-QARANKA tahay. DANTA QARANKU waa: Siddii nabada waarta dalka looga hirgalin lahaa. Waa siddii cadalad dadka u siman yahay loo heli lahaa. Waa siddii dhaqalaha dadku wada leeyahay loo dhisi lahaa. Waa siddii kalsoonida dawladnimo loo soo celin lahaa. Waana siddii xusbiyada u noqon lahaayeen kuwa dumiqradiyda dhexdooda ka jirto oon ummada qabaa’il u kala qayb qaybin. Dadka Somaliland, khasatan aqoon yahanada ayaa dalkani dayacay, waxay ahayd in ay xusbiyada ka diidan in Oday-dhaqameeda ama Beeluhu soo xulin dadka hogaaminaya dalka, oo Beelo u qayb qaybiyan Ummada. Haddaba, haddiii dadku aanu danaynin wanaaga iyo horumarka dalkooda, meel xun ayuu dalkaasi ku danbayaa. GAADHI BILAA INGIINA (Ama Buudhi) ayaynu saranahay, 30 sano ayaynu gadhigan bilaa Inginka ah fuushanahay. Haddaba, si aynu horumar la’aanta iyo dhaqaalo xumida inagu habsatay uga baxno, waa in aynu u MIDOOBAN DANTA QARANKA. Natiijada diiwan galinta Somaliland ka dhacday waa kani:
Table-1. Table-kani waa natiijada diiwan galinta Gobalada dalka. Tiirka labaad (Column): Waa tirada xildhibanada Golaha Wakiilada ee gobalka loo qoondeeyay. Tiirka sadexad (Column): Waa tirada musharaxiinta gobalkasta ka tartami kara. Tiirka afarad: Waa dadka gobalka iska diiwan galiyay. Tiirka shanada: Waa codadka ugu yar ee uu musharax ku soo bixi karo – Waa haddii musharaxiinta saddexda xusbi codad is leg helan. Xisab: Tiirka-4 oo loo qaybiyay Tiirka-3. Tiirka lixad: Waa codadka ugu badan ee Musharaxu ku soo bixi karo – Waa haddii musharaxa hal xusbi wada helo codadka golka. Xisab: Tiirka-4 oo loo qaybiyay Tiirka-2. Halka Tiirka ugu danbeeya uu yahay isku celceliska labada tiir ee Afarad iyo Saddexaad . Waana codadka macquulka ah ee uu ku soo baxi karo musharax Golaha Wakiilada ee Gobalkaasi. Doorshadani waxa ku tartamaya Beelo. Beel-kasta waxay isku dayaysa siday Golaha Wakiil iyo Deganka xildhibano ugu yeelan lahayd. Haddaba, doorashadani Beelo badan ayaa ku hungoobi doona, oon xildhibanadood soo bixi doonin. Guusha waxay ku xidhantahay fahanka shaxda ku xusan (table-1). Beelna ma soo sari karto hal xildhiban wax ka badan khasatan Gobalada Awdal, Togdheer iyo Maroodi-Jeex. Sida daraadeed, Beesha kasta waa in ay dib iskug noqoto oo musharaxa aan haysan tira ugu yar ee lagu soo bixi karo, sida ku xusan Tiirka-5 (ama Min-Codadka), waa in ay ku qanciso inuu tanaasulo. Haddii ay sida yeeli wayan, waa in ay ogadan in Golaha Wakiilada ayna xildhiban ku yeelan doonin. Teeda kale, musharaxa aan haysan codadka ugu yar ee lagu soo bixi karo (ama Min-Codadka), waa qof wakhtiga iyo dhaqaalo iska khasaarinaya. Waayo, MA SOO BAXAYO. Tirada is-diiwan galiyay Degmooyinka A ee Dalka (Table-2). Sida oo kale ayaa xildhibana Golaha Degankuna (Grade A) ay Beeluhu ugu tartamayaan, musharxa fahma shaxda hoose (table-2) ayaa guulaysan doona, kuwa kalana waa kuwa wakhtiga iyo dhaqaalaha iska khasaarinay. Gaba gabadii, inkasta aynu ognahay in musharaxiinta badankooda ay soo xuleen oday-dhaqameedo, isla markana Beelkasta ay u codayn doonta musharaxa Beeshooda, haddana deeqda eebe lagama quusto, waa in aynu ka xulano musharaxiinta aan is leenahay waa dacad, fahansan sida Somaliland u noqon lahayd XIDIGTA NUURAYSA EE GEESKA AFRIKA (THE SHINING STAR OF THE HORN OF AFRICA). OMAR YOUSUF IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN: E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|