|
|||||
WAJAALE NEWS
“Komishanka Waxaa Laga Rabaa Inay Si Cadaaladi Ku Jirto Dhex Ugu Ahaadaan Xisbiyada Iyo Musharixiinta Tartamaya”.Xil Xuseen,
March 7, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige Oo ka mid Ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqay inay Doorashooyinku si cadaaladi ku jirto dalka uga wada qabsoomaan, waxaanu ka digay in la musuqo, isagoo sharci daro ku tilmaamay in la xidho Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka iska soo sharaxay. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Komishanka Doorashooyinka waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu rabnaa inaynu qabsano Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaynu rabnaa in saddexda Xisbi si siman oo caddaalaadi ku jirto u tartamaan, waxaynu rabnaa in Musharixiintu hankooga Musharixinimo xor u ahaadaan, oo hadba Xisbiga ay doonaan iska soo sharaxaan, laakiin waa sharci-daro ah in Musharixiin ka sharaxan Xisbiyada Mucaraadka la xidho, in xabsiga loo taxaabo, in xorriyadda laga qaado, iyo in la isku dayo in la iska hor taagno hankooga musharaxnimo ee Xukuumaddu ha iska ilaaliso wax kasta oo mugdi iyo shaki galinaya Doorashooyinka iyo qabsoomidooda”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka masuuliyad culus baa saaran, waxaana laga rabaa inay Masuuliyadaas saaran sida ugu haboon uguna cadaalada badan uga soo baxaan, waxaa kale oo laga rabaa inay si cadaaladi ku jirto dhex ugu ahadaan Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”. Related posts:War Deg-Deg- Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Amaro Culus U Diray Baananka Dalka, Kana W... Guddomiyaha Gobolka Gabiley oo sheegay in uu ku jiro Xal u helista Muran Dhul oo u dhexey Alaybad iy... Xukuumadda Oo Soo Bandhigtay Qorshe Madax-Dhaqameedka Ka Taageeraya Gudashada Waajibaadkooda Iyo Kal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|