Komishanka Qaranka Iyo Sedexda Xisbi Oo Kala Sexeexday Xeer Muhiim U Ah Doorashooyinka Isku Sidkan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Qaranka Iyo Sedexda Xisbi Oo Kala Sexeexday Xeer Muhiim U Ah Doorashooyinka Isku Sidkan.
March 23, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran ayaa Munaasibad si wayn loo soo Agaasimey ku kala sixiixday Xeerka Anshaxa iyo Hab-dhaqanka kaasoo dhaqan-gelintiisu ku waajibayso dhammaan dhinacyada muddada lagu jiro Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanada & Wakiilada JSL.

Madashan Xeerka Anshaxa lagu kala sixiixday laguna daahfurey dhaqangelintiisa ayaa Waxaa  soo qabanqaabisay Dallada Guud ee Ururada Bulshadda Rayidka ah ee SONSAF.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Eng. Abdirashid M. Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaanada KDQ oo iyagu hawl weyn ka qabtay dhammaystirka X. Anshaxa iyo sidoo kale Mas’uuliyiinka Axsaabta Qaranka iyo Gaboodka SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee la shaqeeya Komishanka.

Munaasibadan oo goor dhawayd lagu soo gabogabeeyay Hargeysa ayaa dhammaan dhinacyadii kasoo qaybgalay muujiyeen niyadsamaan iyo farxad iyagoo xusey siday uga go’an tahay in gacmaha la isku qabsado hirgalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee JSL ka qabsoomi doona 31ka May 2021 Alle idamkii. Munaasibadda ayaa KDQ ku ay si rasmi ah usoo xidheen iyagoo mahadna u celiyey cid kastoo qabanqaabadeeda kasoo qaybqaadatay oo ay ugu horeyso SONSAF.

COMMENTS
LINKS