Hadalkii Madaxwaynaha Biixi Ka Jeediyey Baarlamaanka Jsl Ma Ahayd Mid Umada u Sidey Yididiilo Cusub Iyo Rajo Mustaqbal? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalkii Madaxwaynaha Biixi Ka Jeediyey Baarlamaanka Jsl Ma Ahayd Mid Umada u Sidey Yididiilo Cusub Iyo Rajo Mustaqbal?
March 9, 2021 - Written by Editor:

Qudbad Sanadeedkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Nuxurkii Ay Xambaarsanayd;

Qudbad sanadeedkii sadexaad ee mudo xileedka madaxwayne Muse Biixi Cabdi ayuu shalay ka jeediyey labada gole qaran hortooda fadhi wadajir ah , qudbadani maaha mid dastuuri ah sida dadka qaar u sheegaan ama warbaahinta dalku baahiso , kumana cada dastuurka dalka , fadhiyada wadajirka ah ee labada gole waxa ay noqonayaan sida tan qododbka 38naad  faqradiisa 6aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland dhigayo;

6;Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin:

B;Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

T;Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

J;Go’aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland Ia soo gudboonaado dagaal.

X;Doodaha ku saabsan aafooyinka dabuciga ah;

Kh;Doodaha Ia xidhiidha xeerarka deg-degga ah;

D;Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

R;Arrimaha kale ee 2da Gole la habboonaata inay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan.

Markii aan baadhay hadii aanu jirin xeer gaar ah oo jideynayaa waxa ay tahay in labada gole qaran kalfadhigoodu sanadwalba isku mar furmo taasi oo noqon lahayd bisha 1aad ee sanadka , waxaana ugu dhow qodobka 38naad oo sheegaya awoodaha goleyaasha qaranka faqradiisa 6aad xarafka b oo dhigaya ;

B;Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

Qudbadani madaxwayne Biixi jeediyey kumay jirin wax badan oo loo qushuuco ama bulshada jamhuuriyada somaliland soo jiitaa waxa uun ay la mid ahayd qudbadihii hore ee uu jiidin jiray madaxweynuhu xiligani oo kale , sanadkan hadii laga tagi waayo waxa uu niyad wanaag ka muujiyey khilaafkii axsaabta dhexdooda , xaaladaha nabad galyo ee dalka iyo rejada mustaqbalka dambe ee sanadaha soo socda.

Qudbadani waxa kale oo ka muuqday in qayb ka mid ah aad moodeysay in laga dheegtay hadal Madaxwaynaha Djibouti BBC da ka sii daayey maalin dhaweyd oo ay isaga mid ahaayeen in dawladu dhaqaalaha wadanka 10% ka mid ah ay si toos ah u maamusho ama waxa ay gacanta ku haysaa yahay ee waxa kale yahay qaybta rayidku (private sector) ku hayaan.

Hadii aynu u nimaadno nuxurka iyo ujeedada ay lahayd qudbadan madaxweynaha Somaliland ee ugu dambaysay iyo waxa ay koobnayd hadii aan isku dayo in aan waxii iiga soo baxay idin la wadaago waxa ay u dhignayd sida tan;

Qudbada madaxwaynuhu waxa ay ahayd laba qaybood oo guud ahaan ka kala waramaya

1;Siyaasada Arimaha gudaha iyo

2; Siyaasada Arimaha dibada

Qaybta 1aad Arimaha Gudaha

Madaxweynuhu waxa uu ka waramay waxqabadka xukuumadiisa sanadkii tagey iyo sanadihii ka horeeyey ba isaga oo dul istaagay meelaha muhiimka ee ay ka mid yihiin ;

 

 

b- Ganacsiga

f- waxbarashada

 

t- caafimaadka

 

q- shaqo abuurka
J- Maaliyada

 

k- kaalmooyinka
x- Beeraha

 

L-Baananka iyo sixir bararka
kh- Biyaha

 

m- siyaasada
d- Amniga iyo ciidamada

 

n- garsoorka
r- doorashooyinka

 

w- Abaaraha
s- xoolaha

 

h-qoyska
sh- dhulka

 

y- falalka dambiyada ah ee mukhadaradka , kufsiga, gaadiidka iyo shilalka

 

dh- wadooyinka

 

Dadka nugul
c- dekedaha

 

Cadaalada
g- madaarada

 

Mashaariic horumarineed
Qorshaha hiigsiga qaranka

 

 

Madaxweynuhu intaasi iyo in kale ayuu dul maray oo uu tilmaamay waxqabadka ay dawladu ka geysatay dhibaatooyinka haysta iyo arimaha loo baahan yahay in lagu baraarugo ama meel looga soo wada jeesto , waxaana uu aad ugu nuux-nuuxsaday in qaranku gacmaha is qabsado oo aanay dawladu kaligeed waxba qaban karin , waxa madaxweynuhu carabka ku dhuftay in la iska daayo dhibaatoyinka dad sameega ah sida khilaafka , xaalufka dhirta , dhuxulaysiga.

waxaa uu amaan ku sagootiyey golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee doorashadooda dhawaan la qaban doono iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo uu markii ugu horeysay bilaa canaan amaan badan u jeediyey.

Waxa uu hambalyo u direy haween waynaha caaalamka , kuwa islaamka iyo haweenka jamhuuriyada Somaliland munaasibadii maalinta haweenka ee 8 march awgeed.

Qaybta 2aad Arimaha Dibeda

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay dedaalada ay galeen ee arimaha dibada iyo in ay qadiyada Somaliland dalal badan oo Africa ah gaadhsiiyeen , qaarkoodna ay ka aamuseen ,  qaarna ay somaliland soo weydiiyeen macluumaad intan ka sii badan, qaarna ay niyad sami iyo taageero la garab istaageen qaranka jamhuriyada somaliland.

Madaxweynuhu kama hadal xidhiidhka ugu saameyn badnaa sanadkan ugu dambeeyey oo ahaa xidhiidhka jamhuriyada Somaliland iyo Taiwan , si guud oo duuduub ah ayuu uga gudbay madaxweynuhu intaasi .

Waxa kale oo uu madaxwayne biixi aad uga hadlay sidii lagu bartay in Somalia ay culeys weyn Somaliland ku hayso oo uu caalamkuna garab ku siinayo taasi oo ah wax aan somaliland qaban , sidoo kale waxa uu dul maray oo uu sheegay in Somalia talaabooyin cadaawad ah kula kacayaan dalkasta oo Somaliland martiqaad ka hesho .

Madaxweynuhu waxa uu aad uga hadlay in Somalia farogalin ku hayso Somaliland oo dad Somaliland aan matalin inta lagu ururiyo meelo la odhanayo baarlamaan Somaliland ayaa la dooranayaa isaga oo baarlamaanka Somaliland yahay kan aan ka hor hadlayo .

Waxa uu duray maamulka iyo xukuumada uu mudo xileedkeedu dhamaaday ee Somalia oo uu ku tilmaamay in ay dadka muqdisho afduubayso oo ay u baahan yihiin ninka halkaasi fadhiyaana ay mudadii ka dhamaatay wax uu ku joogana aan la garanayn ilaa hadda oo ay layaab tahay taasina.

Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray qaramada midoobay in ay qadiyada jamhuuriyada Somaliland aanay ixtiraamin sida xeerarka jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa dhigayaan , maadaama tiirarka jimciyada qurumaha ka dhaxaysaa yihiin in la ixtiraamo 1- xuquuqda binu aadamka , 2- Aayo ka tashiga umadeed , markaa jimciyada qurumaha ka dhaxaysaa way og tahay qadiyada Somaliland 1960kii in la isku biiray, mana aha wax cusub dalal inta ay isku darsadeen hadana ay kal a noqdeen.

Waxa uu madaxweynuhu aad u dhaliilay in Somalia hub lagu daldalo iyo waxyaabo laga yaabo in ay gobolka oo dhan hadimeeyaan , sidoo kale waxa uu sheegay in aan qaramada midoobay iyo beesha caalamku dedaalka ay Somalia galiyeen aan Somaliland waxba ka soo gaadhin iyada oo la sheegay in 100 bilyan la galiyey jamhuuriyadii Somalia .

Waxa uu fariin u diray ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia oo uu ku yidhi Somaliland yey la hadashaa horta ma jirto cid meeshaa Somalia  ka talisaa ma jimciyada qurumaha ka dhaxaysa ayaanu la hadalnaa , sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si toos ah qaramada midoobay ugu baaqay ma waxa aad cagta saareysaan dalka iyo dadka horumarka , nabada ,dimuqaradiyada iyo wanaaga sameystay oo waxa aad taageeraysaan qolada fawdada , qaraxa ,  burburka , nabadgalyo darada iyo dhibaatooyinka ka shaqaynaysa soddonkaa sanadood.

Hadaljeedintani Madaxwaynaha Somaliland wax cusub oo la odhan karo way soo kordhisay ma jirto , sidii kale bushaaro weyn oo uu madaxweynuhu shacabka jamhuuriyada Somaliland u sideyna ma jirin oo lagu diirsadaa.

ARAGTIDEYDA IYO QUDBAD SANADEEDKA IYO TALADAYDA

Qudbad sanadeedka madaxweynuhu waxa ay tahay sida ay iila muuqato in madaxweynuhu warbixin ka siiyo waayahii sanadkii la soo maray wakiilada dadweynaha oo ah goleyaasha baarlamaanka ee wakiilada iyo guurtida  iyo waxii ay xukuumadu qabatay sanadkaasi waxii caqabad ka hor yimid iyo waxii talo iyo tusaalayaal lagaga gudbi karo waxii dhibaatooyin ah .

Hadda qaabkan ay u dhigan tahay maadaama oo aanu jirin jaantus iyo wax lagu hubiyaa naqdinteeda golayaasha iyo dadweynuhuba way adag tahay oo waxa uun ay noqonaysaa in la is weydiiyo muxuu madaxweynuhu ka hadlay iyo muxuu yidhi , taasi oo isla goobtaasi uun lagaga kaco ama maalintiiba halkaasi la isaga ilaawo.

Haddaba waxa aan shirgudoonka labada gole qaran iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ba u soo jeedinayaa in qaabka qudbad sanadeedku si uu faaiido iyo midho dhal weyn mid yeesha u noqdo in qodobadani la yeelo.

1;In warbixinta oo qoran oo waxqabadka dawlada ah la soo gaadhsiiyo maalmo ka hor xildhibaanada labada gole si ay u soo akhristaan , maalinta madaxweynuhu yimaadona ay su’aal xildhibaankii qabaa ka weydiiyo warbixintaasi .

2;In hadalka madaxweynuhu noqdo mid kooban nuxur ahaan oo guud mar ah maadaama waxii warbixin ah qoraal laga dhigay si wanaagsan oo tifaf tirana uu u soo jeediyo .

3; Waxii warbixin aan looga maarmayn in gaar goleyaasha loola wadaago oo aan ku fiicnayn in la baahiyona uu gaar markaasi ugu sheego .

4;In xildhibaanadu waxii ay tabanayaan ay u diyaar garoobaan maadaama madaxweynaha fursada uu golaha imanayaa sanadkii hal mar tahay inta badan si ay ugaga faaiideeyaan dadkii soo doortay masuuliyada ay hayaan.

Wax waliba aduunka waa la horumariyaa waxaana muhiim ah in aanu qaranku meel uun taagnaan iyo goleyaashu ee ay laftoodu wax weyn isbadel ku sameeyaan , Somaliland maadaama ay 30 jirsatay waxaa loo baahan yahay isla xisaabtanka goleyaashu ku sameynayaan xukuumada in uu laban laabmo oo ay masuuliyiintu ka sii warwaraan marka goluhu u yeedho masuuliyadii ay qaranka u hayeen.

Sidoo kale waxaa gaar loogu baahan yahay in 6 bilood oo walba loo yeedho hay’adaha qaranka ee gacanta ku haya dadka sida shaqaalaha iyo ciidamada oo kale oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada , taliyeyaasha ciidamada kala duwan , wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iwm si wax looga weydiiyo baahiyaha aasaasiga iyo duruufaha dadka ay madaxda u yihiin halka ay marayaan waxa u kordhay iyo waxii talo lagu kordhinayoba.

QALINKII;Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Tell ; +2525634429221

 

 

COMMENTS
LINKS