Dugsiga Sare Ee Al Furqaan Oo Cadeeyay Shahaadada Musharax Shucayb Oo Jawaab Celin U Ah Qoraal Uu Taliyaha Ciidanka C,I,Ddu Kaga Soo Dalbaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dugsiga Sare Ee Al Furqaan Oo Cadeeyay Shahaadada Musharax Shucayb Oo Jawaab Celin U Ah Qoraal Uu Taliyaha Ciidanka C,I,Ddu Kaga Soo Dalbaday.
March 19, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maamulka Dugsiga Sare Ee Al Furqaan Schools Ayaa Cadeeyay In musharax Shucayb Maxamed Muuse uu ahaa Ardaydii ka Baxday Dugsiga Sare Iyagoo  kasoo jawaab celiyay  Qoraal Amar Ahaan Oo Hogaanka Ciidanka C,I,Ddu kaga dalbaday in ay soo Cadeeyaan Shahaadada Dugsiga sare Ee Musharax Shucayb Maxamed Muuse oo isagu kamid ahaa ardaydii ka baxday dugsigaasi.

N.B;Dugsiga Sare Ee Alfurqaan ayaa Qoraal cadaytooda Shahaadada Musharax Shucayb ku socodsiiyay xafiiska Imtixaanaadka Ee ku Shaqada leh Hubinta Shahaadada Waxbarasho Ee Musharixiinta.

Qoraalka kasoo baxay Xarunta Danbi baadhista ee ku socday Dugsiga Al Furqaan oo ay ka dalbanayeen cadaynta shahaahada ayaan  iyadu kamid ahayd haayadaha ku shaqada leh iyo cida ku shaqada leh xaqiijinta shahaadada waxbarasho ee musharixiinta taasi oo uu ku shaqo leeyahay xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo komishanka tactliinta sare ee jamhuuriyada somaliland kuwaasi oo iyagu hore utastiiqiyay shahaadada waxbarasho ee musharax shucayb maxamed Muuse balse talaabada uu qaaday Hogaanka C,I,Ddu ay noqotay mid bulshada Amakaag iyo Fajac ku abuurtay ismarkaana baalmarsan qawaaniinta uyaala haayadaha ku shaqada leh doorashooyinka iyo kala xulista musharixiinta ka qaybgalaya doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.

Sidoo kale majirto codsi xafiiska imtixaanaad qaranka iyo komishanka tacliinta sare uga yimid hogaanka danbi baadhista oo ay kaga dalbadeen in ay usoo baadhaan xaqiiqada shahaadada musharax shucayb maxamed muuse taasi oo iyana noqonaysa mid abuuraysa dareeno shaki leh iyo faro galin shaqadii xafiiska imtixaanaadka iyo komishanka tacliinta sare

Qofkasta oo haya masuuliyad qaran waxaa muhiim ah in uu isagu iska bilaabo ilaalinta sharciga iyo in aanu si shakhsiyana uga faa,iidaysan masuuliyada uu hayo, isagoo udanaynaya koox ama shakhsi ay qabiilnimo isaga xigaan muwaadin uu ku gafayo xaqii uu siiyay dastuurka jamhuuriyada somaliland oo muwaadiniin udamaanad qaadanaya xaqa uu u leeyahay in uu isa sharaxo, wax doorto ama la doorto.

HALKAN KA AKHRI; QORAALKA KASOO BAXAY MAAMULKA DUGSIGA SARE EE AL FURQAAN IYO QORAALKA KASOO BAXAY HOGAANKA DANBI BAADHISTA;

 

 

COMMENTS
LINKS