“Dawladnimada Xisbiga KULMIYE Ee Musuqa, Caddaalad Darrada Iyo Eexdu Sumadda & Sowraca u Tahay Laguma Difaaci Karo Hebello Laga Been Abuurto”Xoghayaha Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladnimada Xisbiga KULMIYE Ee Musuqa, Caddaalad Darrada Iyo Eexdu Sumadda & Sowraca u Tahay Laguma Difaaci Karo Hebello Laga Been Abuurto”Xoghayaha Wadani.
March 24, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Xoghayaha guud ee xisbiga ee WADDANI ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaymo uga yimid wasiirka wasaaradda gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan

Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Dawladnimada Xisbiga KULMIYE ee musuqa, caddaalad darrada iyo eexdu sumadda & sowraca u tahay laguma difaaci karo hebello laga been abuurto, Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, hagaastay ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland makhraati ka yihiin.

 

Haddii aanu dooddaas awoodi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin.”

COMMENTS
LINKS