Dawlada Taiwan Oo Soo Dhawaysay Wakiilka Uu Imaraadka Carabta U Soo Magacaabay Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Taiwan Oo Soo Dhawaysay Wakiilka Uu Imaraadka Carabta U Soo Magacaabay Somaliland
March 15, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraadku usoo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa faallo uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraadka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Taiwan oo ah dal aan aqoonsi caalamiya haysan, ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil usoo magacaaba Somaliland.

Dhinaca kale waxa rajo laga qaba in dawlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargaysa badhtamaha sannadkan.

 

 

COMMENTS
LINKS