Dawlada Eritrea Oo Si Kulul U Cambaareysay Cuno qabateynta Ay Kusoo Rogtay Midowga Yurub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Eritrea Oo Si Kulul U Cambaareysay Cuno qabateynta Ay Kusoo Rogtay Midowga Yurub
March 23, 2021 - Written by Editor:

Asmara(W,N)-Eritrea ayaa cambaareysay waxay ay ku tilmaantay go’aanka ‘bahdilka ah’ kadib markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn kusoo rogay xafiiska amniga u qaabilsan dalkaas arrimo la xidhiidha eedeymo ku saabsan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in ayna aqbaleyn cunabateynta waxbo kama jiraanka ah.

Waxay sheegtay in go’ankan la doonayo in lagu dhibaateeyo Eritrea isla markaana laga leeyahay dano qarsoon.

Midowga Yurub ayaa cunaqabteyn kusoo rogay xafiiska dowladda Eritrea u qaabilsan amniga oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal, jidhdil iyo xadhig.

Wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in xiisad uu ka dhex abuuro Itoobiya iyo Eritrea isla markaana awoodda dib loogu soo celiyo maamulkii Tigray ee xilka laga tuuray.

Ciidammada Eritrea waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo markii dagaallada ay ka qarxeen halkaas bishii Nofeembar.

Eritrea waxaa lagu eedeeyay in ciidamo ay geysay Tigray si awoodda looga tuuro TPLF, waxay beenisay eedeymahaas.

COMMENTS
LINKS