DAAWO;-Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Degaano Ka Tirsan Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Degaano Ka Tirsan Gobolka Gabiley.
March 28, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh oo kamid Musharixiinta usharaxan golaha wakiilada gobolka marodi jeex Ayaa booyada biyo gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan Deegaanada satiile, ilo dado, iyo deegaano kale oo katirsan waqooyiga gobolka gabiley oo ay soo food saartay xaalad biyo la,aaneed iyo abaar baahsani.

Sidoo kale bulshada ku dhaqan deegaanad uu musharax bookh biyaha gaadhsiyay ayaa uga mahad celiyay gurmad uu lasoo gaadhay isagoo sheegay in ay doorayaan islamarkaana uu yahay shakhsiga kaliya ee damqaday duruufaha ay ku sugan yihiin isagoo horena ugaadhsiiyay deeqo kala duwan hadii ay tahay xiliyadii dhaxanta oo uu gaadhsiiyay agabka laga xidho.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS