|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ehelada Gabadhii Ka Cabatay Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Sheegay In Ay Maxkamada Ugudbinayaan Dacwad.
March 11, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ehelada Xamda Xuseen Oo ay Ahayd gabadh ka Shaqayn jirtay Wasaarada isgaadhsiinta dhawaana sheegtay In Tacadi uu kula kacay wasiirka isgaadhsiintu darteed ay uga Tagtay shaqadii wasaarada ayaa warbaahinta usheegay in Ay maxkamada ugudbinayaan dacwad ka dhan ah falka lagula kacay gabadhan. Sidoo kale ehelada gabadhan sheegtay in tacadi iyo qunsuriyad La gula kacay ayaa si adag uga hadlay falka lagula kacay iyagoo sheegay in wasiirku uu dalka oo dhan uyahay wasiir. Dhanka kale ehelada gabadhan iskaga tagtay wasaarada isgaadhsiinta ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu talaabo ka qaado wasiirka isgaadhsiinta si loo arko Somaliland lawada leeyahay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Ciidamada Booliska Jsl Oo Xabsiga U taxaabay Cabdiraxmaan Yuusuf Cali, Oo U Sharaxan Golaha Deegaank... Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Heshiiska Ay Kala Sexeexdeen Somaliya & Qaramada Midoobay Iyo Go,Aan... Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Soo Saartay Warbixin Sanadeedkii 2017-ka Iyo Tirada Kiisaska Ugu Badn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|