DAAWO;-Beesha Musharax Sheekh Ibraahim Oo Ka Hadlay Xeer Ilaalinta Oo Udiiday Warqadii Danbi La,aanta, Kuna Eedeeyay In Uu Ka Danbeeyo Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Beesha Musharax Sheekh Ibraahim Oo Ka Hadlay Xeer Ilaalinta Oo Udiiday Warqadii Danbi La,aanta, Kuna Eedeeyay In Uu Ka Danbeeyo Madaxwayne Biixi.
March 6, 2021 - Written by Editor:

“Bulshada Somaliland Waxaan Usheegayaa Cadaalad Daro Ayaan Tirsanayaa, Cadaalad Daradana Waa Lagu Dumaa, Hankaygana Kama Tanaasulayo”Musharax Sheekh Ibraahim.

HARGAYSA(W,N)-Waxgaradka dhalinyarada iyo haweenka beesha musharax sheikh ibraahim cabdi xuseen (buurane) ayaa si adag uga hadlay musharaxan oo xafiiska xeer ilaalintu udiiday In ay siiyaan warqadii danbi la,aanta oo kamid ahayd shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta utartamaya doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka dalka.

Sidoo kale Beesha Reer Axmed Cabdale oo uu kazoo jeedo musharax sheikh ibraahim oo ka sharaxan xisbiga ucid golihiisa wakiilada ee gobolka maroodi jeex ayaa Madaxwayne biixi ku eedeeyay in uu isagu ka danbeeyo in loo diido warqada danbi la,aanta isagoo shacabka somaliland ucadeeyay in uu musharixiin beeshooda hortaagan yahay madaxwaynuhu.

Dhanka kale waxgaradka iyo dhalinyarada beesha reer Axmed cabdale ayaa ka waramay kulan ay madaxwayne biixi kala yeesheen arinta iyo balantii uu uqaaday oo uu kaga baxay islamarkaana gabi ahaanba loo diiday in galaan xafiiska xeer ilaalinta.

Ugu danbay waxaa shirkan jaraa,id ka hadlau musharax sheikh ibraahim oo sheegay in uu cadaalad daro tirsanayo hankiisiina caqabad lagu noqday.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS