Al shabaab Oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Madaxweynaha Jabuuti Iyo Doorashada Dalkaas Kusoo Wajahan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al shabaab Oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Madaxweynaha Jabuuti Iyo Doorashada Dalkaas Kusoo Wajahan.
March 29, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-kooxda Al shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

Hadalkan Ayaa waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Cali Diiriye Abuu Cubayda oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay kaalinta Jabuuti kaga jirto dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Hoggaamiyaha Al shabaab Abu Cubayda ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jabuuti iyo Faransiiska, isagoo sheegay inay isku bahaysteen dagaalka muslin nacaybka waa sida uu hadalka u dhigay.

Bishii May ee sanadkii 2014, Alshabaab ayaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah ka geystay magaalada Jabuuti, iyagoo beegsaday xarumo ay iskugu yimaadaan dadka Ajnebiga ee dalkaas ku dhaqan.

Weerarkaas oo ay fuliyeen labo qof oo nin iyo xaaskiisa ah, ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen ismiidaamiyaasha iyo dhaawaca 11 kale.

Alshabaab waxay weerarkaas ku tilmaameen inuu qeyb ka ahaa dagaalka  ka dhan ah reer galbeedka ka soo horjeeda Islaamka.

COMMENTS
LINKS