|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur.
February 6, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland Ayaa maanta xabsiga Utaxaabtay Agaasimaha Shabakada Wararka Ee Xogreebnews Cabdicasiis Bashiir Nuur (Cabdicasiis koronto) Kaasi Lagu xidhay Xarunta Danbi Baadhista ee I,C,Dda Ee Magaalada Hargaysa. Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa maanta duhurkii ciidanka Booliska xidheen isagoo ku guda jira shaqadiisii caadiga ahayd. Xadhiga wariye cabdicasiis bashiir nuur ayaa loo marin sifo Sharci Waafaqsan, balse ay ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen iyagoon wax faah faahin ah ka bixinin xadhigiisa kaasi oo ka hor imanaya madax banaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka oo muwaadiniinta reer somaliland udamaanad qaadaya xoyiyarul hadal saxaafada. Maaha markii uhoraysay ee xukuumada madaxwayne Biixi ay xabsiga utaxaabto saxafi ku guda jira hawl maalmeedkiisi shaqo iyadoon wax wargalin ah laga siinin danbi uu galay iyo cida soo dacwaysay toona. Dhanka kale wararka laga helayo xadhiga agaasimaha shabakada xogreebnews ayaa sheegaya in xadhigiisa ay ka danbeeyaan taliska ciidanka booliska Somaliland oo dhibsaday warbixin uu dhawaan ka qoray ciidamo booliska ka tirsan oo iskugu dhacay dhul uu muran ka taagaan oo ku yaala degmada gacan libaax ee magaalada hargaysa . Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada iyo ciidanka booliska lagu faah faahinayo ujeedada loo xidhay saxafigan iyo danbi loo hayso. Wixii kasoo kordha xadhiga wariye cabdicasiis bashiir nuur kala soco wararkeena danbe. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:WARAR DHEERAADA : Khasaarihii ka Dhashay Weerar ay Al-shabaab La Beegsatay Caawa Hoteelka SYL Iyo Ti... "Madaxweynuhu Raali Gelin Haka Bixiyo Hadalkii Uu Bulshada Ku Kala Qaybinayey" Siyaasi Geel Jire. DAAWO; Labada Xisbi Mucaarid Wadani Iyo Ucid Oo Qoraal Ka Dhan ah Xisbiga Kulmiye u Gudbiyay Gudida... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|