Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur.
February 6, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland Ayaa maanta xabsiga Utaxaabtay Agaasimaha Shabakada Wararka Ee Xogreebnews Cabdicasiis Bashiir Nuur (Cabdicasiis koronto) Kaasi Lagu xidhay Xarunta Danbi Baadhista ee I,C,Dda Ee Magaalada Hargaysa.

Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa maanta duhurkii ciidanka Booliska xidheen isagoo ku guda jira shaqadiisii caadiga ahayd.

Xadhiga wariye cabdicasiis bashiir nuur ayaa loo marin sifo Sharci Waafaqsan, balse ay ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen iyagoon wax faah faahin ah ka bixinin xadhigiisa kaasi oo ka hor imanaya madax banaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka oo muwaadiniinta reer somaliland udamaanad qaadaya xoyiyarul hadal saxaafada.

Maaha markii uhoraysay ee xukuumada madaxwayne Biixi  ay xabsiga utaxaabto saxafi ku guda jira hawl maalmeedkiisi shaqo iyadoon wax wargalin ah laga siinin danbi uu galay  iyo cida soo dacwaysay toona.

Dhanka kale wararka laga helayo xadhiga agaasimaha shabakada xogreebnews ayaa sheegaya in xadhigiisa ay  ka danbeeyaan taliska ciidanka booliska Somaliland oo dhibsaday warbixin uu dhawaan ka qoray ciidamo booliska ka tirsan oo iskugu dhacay dhul uu muran ka taagaan oo ku yaala degmada  gacan libaax ee magaalada hargaysa .

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada iyo ciidanka booliska lagu faah faahinayo ujeedada loo xidhay saxafigan iyo danbi loo hayso.

Wixii kasoo kordha xadhiga wariye cabdicasiis bashiir nuur kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS