|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xabsiga Usii Dheeraysay Labadii Musharax Ee Xisbiga Ucid Kuna Xadhignaa Madheera!
February 21, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay In muddada ay xidhnaanayaan loo kordhiyey Laba Musharrax Oo xisbigaasi ka sharraxan, kuwaasi oo Xabsiga Mandheera loo Taxaabay 8-dii bishan February. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Shalay la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay Maxkamadda la horkeeno, balse iyagoon Garsoorka la horkeenin Xadhigga loo sii dheereeyay isla-markaana loo jaray 7 Maalmood oo kale. Yuusuf Kayse oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xadhigga Musharraxiintaasi wuxuu marayaa 12 Cisho, waxay ahayd in Arbacadii la keeno Garsoorka hortiisa, maaddaama oo ay u dhamaadeen 7 Maalmood ee Rumaanka ah ee Mandheera loogu diray, laakiin waxaanu ka war helnay inaan la keenin oo iyagoo Mandheera ku jira Muddada loo kordhiyey, arrintaasi wer-wer bay nagu keentay, waxaanu u aragnaa in Madax-banaanidii Garsoorka uu culays badani saaran yahay, sababtu waxa weeyaan marka qof masuul ahi uu Qof soo xidho, wuxuu xilku ku wareegaa Garsooraha oo amar Garsoore ayaa Qofka lagu xidhaa, Garsooruhu wuxuu xaq u leeyahay inuu muddo baadhiseed, Saddex Cisho ama 7 Cisho ah, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay iyadoon Garsoorkii la soo marin oo aan la horkeenin, in haddana 7 Cisho oo kordhin ah loo sameeyo.” Xoghayuhu wuxuu sheegay oo kale “Waxaad ka war haysaan in Waalidkoodii loo diiday oo ay Warbaahinta ka sheegeen in loo diiday inay arkaan.”ayuu yidhi. Related posts:“Waxaynu Isku Haynaa, Waa Kuraasta Aynu Kala Riixano, Ee Iskuma Hayno Jiritaanka Somaliland”Gudoomiy... Xildhibaan Xasan Dhuxul Oo Ka Hadlay Qaabkii Goluhu U Ansixiyeen Miisaaniyada Iyo Meelaha Kharashka ... Wiil Uu Dhalay Marxuum Cigaal oo Ka Hadley Dacwada Dhul Lagu Haystay oo Loo Wareejiyay Hargeysa, Una... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|