Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulan Ay La Yeesheen Wafti Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulan Ay La Yeesheen Wafti Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.
February 23, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Xisbiga wadani Cabdiqaadir Jirde Ayaa faah faahin ka bixiyay Arimaha ay wada hadleen Wafti ka socday beesha caalamka oo ay galabta kulan layeesheen Hogaanka xisbiga wadani.

Sidoo kale gudoomiye cabdiqaadir jirde ayaa shaki ka muujiyay ujeedada ka danbaysa warqadaha danbi la,aanta ee musharixiinta laga rabo oo loo wareejiyay xeer ilaalinta iyo Caqabadaha ay ku keeni karto doorashada oo ay waftigii ka Socday wadamada somaliland ka taageera doorashooyinka ay Hor dhigeen.

Dhanka kale xisbiga wadani ayaa ka hadlay taageerada ay beesha caalamku ka gaysanayso doorashooyinka isku sidkan ee somaliland oo lagu wado in ay qabsoomaan 31may 2021

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS