“Xil Axmed Waa Shakhsi Gob Ah Oo Dunnimo Udhashay, Wuxuuna Kamid Yahay Dadka Aanu Markhaatiga Ka Nahay, Isagoon Xilba Haynin Inuu Ka Shaqeeyo Arimaha Gobolka”Maayarka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xil Axmed Waa Shakhsi Gob Ah Oo Dunnimo Udhashay, Wuxuuna Kamid Yahay Dadka Aanu Markhaatiga Ka Nahay, Isagoon Xilba Haynin Inuu Ka Shaqeeyo Arimaha Gobolka”Maayarka Gabiley.
February 1, 2021 - Written by Editor:

Maayarka Magaalada Gabiley Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Shakhsiyada Musharax Xil Axmed Ini Iyo Doorka Uu Ku Leeyahay Waxka Qabashada Arimaha Gobolka Gabiley.

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo ka Hadlayay Munaasibadii shaacinta musharax Axmed Cabdi Muuse “Axmed Ini” oo lagu qabtay magaalada Gabiley.

Sidoo kale maayarka Maxamed Amiin ayaa siqotodheer uga Hadlay shakhsiyada musharax Axmed Ini oo uu sheegay in uu Yahay shakhsi gob ah oo u qalma in loo doorto golaha wakiilada Somaliland

Dhanka kale Maayar Maxamed Amiin ayaa hambalyeeyay Cabdikhadar Cilmi Cabdilaahi oo kamid ahaa musharixiinta damacsanaa in uu utartamo golaha wakiilada oo  munaasibadan ugu tanaasulay musharax Xildhibaan Axmed muuse oo ay isku beel yihiin isagoo ku amaanay go,aanka geesinimada leh ee uu qaatay.

 HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS